4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 12, 2014
Madaxweynaha: Innagaa dooranayna meelaha nagala caawinayo


Arbaco, Maarso 12, 2014 (HOL) — Madaxwenaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maalntii labaad booqasho ku jooga dalka Jabbaan ayaa maanta tagay dekadda magaalada Yokohama ee Jabbaan.

Madaxweynana ayaa booqday xarunta ciidamadda ilaalada xeebaha dalka Jabbaan oo ku dhex-taalla dekadda, isagoo halkaas warbixin ku aaddan qaabka loo tababaro ciidamada iyo siday u howl-galaan ka dhageystay saraakiisha ciidamada ilaalada xeebaha dalkaas.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa isla maanta booqday xarunta hay’adda Jabbaan u qaabilsan badaha (Nippon Foundation), isla markaana kulan la qaatay madaxda hay’addaas.

“Qorshaheennu waa inaan doorano meelaha aanu doonayno in dowladda Jabbaan ay naga caawiso. Soomaalia waxay leedahay xeebta ugu dheer Qaaradda Afrika; waa inaynu baranaa sidii aanu uga faa’iideysan lahayn iyo sidii aanu u difaacan lahayn,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caawa loo sameeyay casho sharaf ay ka qayb-galeen, wakiilka dowladda Jabbaan u qaabilsan Afrika, xildhibaanno ka socday dolwadda Jabbaan iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Jabbaan. 

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ay wehliyeen wasiirka qorsheynta, Saciid Cabdullaahi Maxamed iyo wasiirrada howlaha guud iyo dib-udhiska, Nadiifa Maxamed Cusmaan ayaa maanta xarunta wasaaradda arrimaha dibada Jabbaan kulan la qaatay.

Wasiirka iyo dhiggiisa dalka Jabbaan, Fumio Kishida iyagoo kawada-hadlay xiiriirka labada dowladdood iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya.

“Dowladda Jabbaan in muddo ah ayay caawinaysay Somalia ha ahadeen arrimaha gargaarka iyo la-dagaalanka burcad-badeedda. Waxaana kawada hadalnay sidii loo xoojin lahaa tageerada iyo qaabka ay uga qayb-galayaan mashaariicda horumarinta dalkeenna,” ayuu yiri Ducaale.

Ugu dambeyn, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal xoog leh ugu jiro xoojinta kalsoonida dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya