4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 12, 2014
Col. Xumad oo ka Jawaabay hadal ka soo yeeray Askari AMISOM ah


Arbaco, Maarso 12, 2014 (HOL) — Iyadoo askari ka tirsanaa ciidamada AMISOM oo u dhashay dalka Burundi uu maalin ka hor sheegay in AMISOM aysan doonayn in laga taqaluso Xarakada Al-shabaab ayaa waxaa jawaab ka bixiyay afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad.

Afhayeenka AMISOM ayaa sheegay in hadalka kasoo yeeray askarigaas ay si aad ah uga xumaadeen, isagoo sheegay in qorshaha AMISOM ay u joogto Soomaaliya uu yahay sidii dalkan loo nabadeyn lahaa, loona burburin lahaa Al-shabaab.

“Runtii hadalka kasoo yeeray ninkaas sheegtay inuu ka tirsanaa ciidamada AMISOM aad ayaan uga xummaanay, qorshaheenuna waa inaan nabadeyno Somalia, sida uu hadalka u yiri askarigaasna waa mid aan jirin, aniguna maba filayo inuu Askarta AMISOM ka mid ahaa, waxaan filayaa inuu yahay ruux iska sheeganaya,” ayuu si kulul u yiri Col. Xumad oo u warramayay VOA-da isagoo Muqdisho ku sugan.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay in marka askariga ka tirsan AMISOM Soomaaliya la keenayo lasoo siiyo tababarro, loona sheego qorshaha howlgalka AMISOM sida uu yahay. Isagoo hoosta ka xariiqay in qorshahooda uusan ahayn sida uu askarigaas u sheegay.

Askarigan oo u dhashay dalka Burundi dibna ugu laabtay magaalada Bujumbura ee xarunta dalkaas, ayaa wariye ka tirsan wargeys kasoo baxa Kenya u sheegay in madaxda AMISOM aysan doonayn in Al-shabaab la burburiyo, balse ay doonayaan inay lacago fara ka helaan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka socda.

HALKAN KA AKHRI WARBIXINTA UU BIXIYAY ASKARIGA

“Howlgalka AMISOM wuxuu ku dhisan yahay in dalka la nabadeeyo, waana middaas tan aan halkan (Soomaaliya) u joogno aana doonayno inaan fulinno,” ayuu Col. Xumad mar kale yiri, isagoo ku celceliyay inuu maleynayo in askarigaas uusan AMISOM ka tirsanayn.

Dhanka kale, afhayeenka AMISOM oo wax laga weydiiyay qorshahooda goobaha ay ka saareen Al-shabaab isagoo sheegay in qorshahoodu uu yahay inay goobahaas oo dhan ay nabad ka hir-gelinayaan, goobaha kale ee ay ku socdaanna ay gaari doonaan.

Mar la weydiiyay in shacabka ku nool deegaannada ay ka saaraan Al-shabaab ay intooda badan sheegaan inay nabad haysteen markii hore, balse marka ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladdu Soomaaliya soo galaan deegaannada ay dhibaato kala kulmaan ciidamada iyo qaraxyada lala beegsanayo, isagoo ku jawabay:

“Anigu ma filayo in nabadda aan wadno mid ka wanaagsan ay jirto, balse haddii ay dhacdo in dhibaato loo geysto waan la xunnahay, waxaana shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa in nabaddu ay gacmahdooda ku jirto.”

Su'aal kale oo ahayd in ciidamada Itoobiya ee ka mid noqday AMISOM ay Soomaalidu ka qabto xasaasiyad, ayaa ku jawaabay in ciidamada Itoobiya ay ka mid yihiin AMISOM oo dhibaatadii ay geystaan lagula xisaabtami doono.

Ugu dambeyn, afhayeenka AMISOM ayaa sheegay in howlgallada socda ay yihiin kuwo ay dowladda Soomaaliya horumuud ka tahay iyaguna ay gacan ku siinayaan, howshooduna ay tahay inay dalka oo dhan nabadeeyaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya