4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 11, 2014
Xildhibaannada Hargeysa oo diiday amar Wasaaradeed (SAWIRRO)


Talaado, Maarso 11, 2014 (HOL) — Xildhibaannada golaha deegaanka Hargaysa ayaa dhaliilay wareegto uu wasiirka hawlaha guud iyo guriyeynta Somalialnd uu kula wareegay shaqadii dowladaha hoose ee Somaliland, isla markaana soo saaray amar uu kaga mamnuucayo inay bixiyaan ama qorsheeyaan howlaha danta guud ee magaalooyinka Somaliland.

In ka badan 20-xildhibaan oo uu shirgudoominaayo Maayar Ku-Xigeenka Golaha Deganka Magaalada Hargaysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagaweyne), ayaa si wada jir ah shirjaraa’id ugu qabtay xarunta dawladda hoose ee magaaladda Hargeysa, kuwaas oo si weyn uga soo horjeestay amarkaasi wasiirka hawlaha guud, isla markaana ku taageeray degreeto madaxweynuhu ka soo saaray guryaha dawladda ee shacabku  ku jiraan.

Golaha deegaanka ee Hargeysa, ayaa sheegay in awoodaha dhulka danta guud uu sharcigu u jidaynayo inay qorsheeyaan, isla markaana aanay hawlaha guud sharcigu u ogolayn inay la maamusho dawladaha hoose.

“Waxaa aanu  leenahay oo aan ku gunaanadaynaa waxaa aan ku wada hadlaynaa qodobo sharciyaa,waxaan ku wada hadlaynaa waxa adiga kaa dhigay Wasiir anagana naga dhigay xildhibaano, waxaa weeyaan sharci ,sharcigaasaa inoo dhaxeeya sharcigaasa aan dalka ku maamulnaa, sharcigaasaa aynu dalka ku hogaaminaynaa”ayuu yidhi ku simaha maayirka Hargeysa Cago weyne.

“Marka hore waxaan halkana  aanu hambyo aanu u marinaynaa madaxweynaha Somaliland oo isaga ay digreetadiisu ay tahay mid waafaqsan xeerarka ,haday tahay xeer number 17 , hadaba dulsaarkan uu dulsaaray xeerka ee uu ta madaxweynaha, ee uu yidhi waxaanu tixraacnay ta madaxweynaha ,waxaan hadaba wasiirka leeyahay maad tixraacin xeerkaas  oo waxaa uu xeerkani uu dhigaya na dhulka shacabka in hawlaha guud ay wakiil uga tahay dhulka Somaliland, wixii ka reebana in aanu ka dawlad hoose ahaan aanu shacabka uga wakiilanahay, waxaana dastuurka uu dhigayaa in xeerka 110aad,111aad iyo 112aad faqardiisa sadexaad ina aan anagu awooda haa aad nagu haysato oo dhanba aanu leenahay..”ayuu yidhi maayir ku xigeenka Cabdicasiis Cago weyne.

Digreetadan uu wasiirka wasaarada gureynta iyo hawlaha guud soo saaray ayaa noqonaysa mid ka mida digreetooyin hore uga soo bixi jiray wasaarada guriyeynta iyo hawlaha guud waana khilaafaad inta badan soo noqda kaasi oo ku salaysan cida iska leh awoodaha maamulka dhulka , inkastoo xeer 17 oo ka hadlaya arrimaha dhulka uu awoodda siinayo dawladaha hoose ee Hargeysa, haseyeeshee lama garanayo sababta wasiirku ula wareegay hawlihii dawladaha hoose.



Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland