4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 11, 2014
Turkiga oo la Filayo in uu Mashaariic ka Hir-geliyo Gobolka Hiiraan

Talaado, Maarso 10, 2014 (HOL) — Tan iyo wixii ka dambeyay sannadkii 2011waqtigaa oo abaar darran ay ku dhuftay in badan oo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya, islamarkaana ay ku barakaceen magaalada Muqdisho dad ka soo cararay abaarta iyo macaluushii waqtigaa jirtay, dowladda Turkiga waxaa ay saameyn xoog leh oo dhinaca samafalka ah ku laheyd dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Saddexdii sano ee la soo dhaafay waxaa ay siweyn mashquul ugu aheyd dowladda Tjurkiga howlaha samafalka, dib u dhiska iyo fulinta mashariic lagu hormarinayo dalka ay dagaalladu la hareen ee Soomaaliya, wallow haddana marka aad eegto gargaarka bani'aadanimo ee fulinta mashaariicda Turkiga xoogooda ahaayeen kuwo ku eg gobolka Banaadir.

Laakiin hadda waxaa muuqata in dowladda Turkigu diyaar u tahay ku baahinta mashariicdeeda hormareed iyo gargaarka ay siiso dadka tabaaleysan gobollada dalka Soomaaliya ee xiligan nabad-galyada ka jirto, waxaana dhawaan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kormeeray oo booqasho ku tagay wafdi heer sare ah oo ka socda safaarada iyo hay'adda bisha Cas ee Turkiga, kuwaa oo ujeedada scodaakooda ku sheegay in ay u kuur-galayaan xaalada guud ee gobolka, gaar ahaan magaalada Beledweyne.

Xubnaha wafdiga oo mudo labo cisho ah ku sugnaa magaalada Beledweyne waxaa ay booqdeen xarumo kala gadisa, sida goobaha waxbarashada magaalada, suuqa lagu iibiyo xoolaha, isbitaalka guud ee magaalada, dugsiga lagu xanaaneeyo agoonta, xeryaha dadka barakacayaasha ah iyo meelo kale, iyagoo dhageysanayay warbixino  ay siinayeen mas'uuliyiinta goobaha kala duwan oo ay booqashada ku tageen.

Wafdiga marka laga soo tago kormeerkooda, waxaa ay kulamo xiriir ah la lahaayeen mudadii ay joogeen magaalada Beledweyne qeybaha kala duwan ee bulshada, sida odayaasha, ururada dhalinyarrada, iyo haweenka oo ay is dhaafanayeen xog ku saabsan baahiyaha rasmiga ah ee gobolka ka jira.

Wafdiga waxaa hogaaminayay ku-xigeenka safiirka dowladda Turkiga Ismaaciil Caadil oo hadal uu jeediyay ku amaanay maamulka iyo bulshada oo sida uu sheegay ay ka muuqato isku xirnaan dhinacyo badan, isaga oo ka mahad celiyay sida loogu soo dhaweeyay gobolka.

Sarkaalka ka socda hay'adda bisha Cas ee dalka Turkiga ayaa sheegay in bulshada Turkiga iyo shacabka Soomaaliyeed yihiin dad walaalo ah, sidaa daraadeed ay waajib ku tahay dhinacooda in ay gargaaraan dadka walaalahood ah ee dhibaateysan, isaga oo sheegay in sidda ugu dhaqsiyaha badan jawaab deg deg ah uga bixin doonaan dalab-ka bulshda ku dhaqan gobolka oo codsaday in dowladda Turkiga soo gaarsiiso howlaha kala gadisan ee isugu jira mashaariicda iyo samafalka oo ay ka wadaan qeybo ka mid ah dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa sheegay in ay kulan wada qaateen safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya kana wada hadlleen xaalada gobolka, waxaana uu rajo badan ka muujiyay guddoomiyaha in dowladda Turkiga si dhaqse ah gobolka uga bilaabi doonto howlo kala gadisan oo micno u sameynaya bulshada ku dhaqan gobolka.

Marka la eego baahiyaha wax ka qabashada u baahan ee xiligan ka jira gobolka waxaa ka mid ah dib u dhis lagu sameeyo jidadka oo burbur xoog leh uu ka muuqdo gaar ahaan wadada dheer ee laamiga ah isku xirta gobolka iyo qeybaha kale ee dalka, xarumaha dowladda gaar ahaan xarunta maamulka gobolka oo ku  bur burtay weerar Ismiidaamin ah dhowr sano  ka hor ka dhacay magaalada, tayeeynta adeegyada caafimaad ee uu bixiyo isbitaalka magaalada oo ay hadda soo food saartay dawo la'aan, gargaar siinta dadka talaabeysan, iyo guud ahaan dib u soo nooleynta goobihii danta guud ee ku bur buray dagaalladii dalka dhacay.

Laakiin marka aad bulshada hoos ahaan ula sheekeysato waxaa ay kuu sheegayaan in ay jeclaan lahaayeen wax ka qabashada fatahaada uu sameeyo wabiga shabeelle oo xiliyada roobabka daadad ku soo roga xaafaddaha magaalada, waxaana ay dalbanayaan in mashaariicda  la balan-qaaday arrintan qeyb ka noqonto iyadoo biyo xireen lagu sameynayo meelaha oo wabigu ka soo fataho.

Odayaasha dhaqanka gobolka ayaa sheegay dhinacooda in ay wax badan ka fillayaan dowladda Turkiga, madaama ay horay sidan oo kale gobolka u soo booqdeen saraakiil  heer caalami ah oo ballan-qaadyo ay sameeyeen waxba ka soo bixin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya