4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 10, 2014
Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo weeraray deegaanno cusub

Isniin, Maarso 10, 2014 (HOL) — Dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay inta dagaallada iyadoo ay ku dhaawacmeen afar askari oo laba ka mid ah ay ka tirsan yihiin ciidamada AMISOM, iyadoo mas’uuliyiin u hadlay dowladda Soomaaliya ay sheegeen inay tiro xoogagga Al-shabaab ka tirsan lagu lagu dilay dagaalkaas.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, C/qaadir Maxamed Siidii ayaa VOA-da u sheegay in dagaalku uu qayb ka yahay howlgallada lagu doonayo in Al-shabaab looga saaro deegaannada ay kaga sugan tahay gobolka Shabeellada Hoose.

“Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay weerar ku qaaday deegaannada gobolka Shabeellada Hoose ka tirsan oo ay Al-shabaab ka taliso, laba jid ayayna ciidanku ku dhaqaaqeen, kuwaasoo kala ah mid aadda dhinaca degmada Qoryooley iyo mid kale oo aadda degmada Baraawe,” ayuu yiri Siidii.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay jiireen difaacyo Al-shabaab u yaallay deegaannadaas, ayna jabiyeen weerarro is-xiga oo ay ku doonaysaay kooxda inay isku hor-taagaan ciidamada huwanta ah.

“Al-shabaab saddex jeer ayay weerarro soo qaadeen si ay ciidamada huwanta ah ku hor-joogsadaan, balse waa lagu jabiyay, waxaana dagaalka lagu dilay xoogag ka tirsan Al-shabaab, ciidamada huwanta ahna waxay u dhaqaaqeen deegaannadii ay markii horeba ku wajahnaayeen,” ayuu guddoomiyuhu hadalkiisa ku daray.

Guddoomiyaha oo sii hadlayay ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa ay is-bahaysanayaan ee AMISOM ay haatan ku dhow yihiin degmada Qoryooley oo ka mid ah degmooyinka ay Al-shabaab ka taliso.

“Innagu illaa hadda waxaan maqalnay in hal qof oo rayid ah uuu ku dhinay rasaas wiifto ah, dhankeennana waxaa nooga dhaawacmay afar askari oo laba ka mid ah ay yihiin ciidamada AMISOM iyo laba ka tirsan ciidamada Somalia,” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose.

Dhinaca Al-shabaab weli kama aysan hadlin dagaallada ku dhexmaray xoogaggooda iyo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM deegaanno gobolka Shabeellada Hoose oo ay iyagu ka taliayaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya