Madaxda waddamada ku bahoobay IGAD oo Maanta ku kulmaya Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya
Jimco, May 24,
2013 (HOL) — Madaxweynayaasha dalalka Bariga Afrika ee ku bahoobay
ururka IGAD ayaa maanta kulan ku yeelanaya magaalada Addis Ababa ee xarunta
dalka Itoobiya, kaasoo ay kaga hadli doonaan arrinta ka taagan gobollada
Jubbooyinka.
Kulankan ayay madaxweynayaashu ku dhageysan
doonaan warbixin ay soo saareen guddi farsamo oo ay IGAD horraantii bishan u
saartay inay arrinta Kismaayo baaritaan ku sameeyaan, waxaana guddigan ay
kulammo kala duwan la yeesheen hoggaamiyeayaasha isku haysta madaxweynenimada
Jubbaland.
Shirka madaxweynayaasha ka hor ayaa waxaa
lagu wadaa inay shiraan wasiirrada arrimaha dibadda ee IGAD, kuwaaasoo dajin
doona qorshayaasha ay ka doodayaan madaxda IGAD.
Guddiga farsamo ee IGAD ay u saartay arrinta
Kismaayo ayaa waxaa madax u ah xoghayaha guud ee IGAD, Maxbuub Macallin waxaana
warbixintooda ay u gudbiyeen madaxda ururka si ay go’aan cad uga gaaraan
arrinta Kismaayo.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo
ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa qayb ka ah madaxda IGAD ee maanta kulanka
yeelanaya, iyadoo lagu wado in maalinta berri ahna uu madaxweynuhu ka qaybgalo
kulanka madaxda Afirka iyo xuska 50-guuradii aasaaska Midowga Afirka oo ka dhici
doona Addis Ababa.
Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada
Hoose ayaa waxaa tan iyo baratmihii bishan ka taagnaa muran ku saabsan cidda
hoggaaminaysa maamulka Jubaland oo magaaladaas looga dhawaaqay, iyadoo ay
xilkan isku haystaan shan ruux oo ay ugu cad-cad yihiin Axmed Madoobe iyo Barre
Hiiraale.
Go’aanka madaxda IGAD ay ka gaaraan
arrinta Kismaayo ayaa wuxuu noqon doonaa mid ay soo dhaweyso dowladda
Soomaaliya oo horay u sheegtay in sameynta maamulka Jubaland aan loo marin
jidkii habboonaa.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya