MADAXWEYNAHA SOMALIA: “Waxaan Rajeynaynaa in Dhawaan Soomaaliya lagu qabto shirka Midowga Afrika" (SAWIRRO)
Khamiis, May 23,
2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayay munaasabad
loogu dabaal-dagayay 50-guuradii kasoo wareegtay markii la aasaasay ururuka
Midowga Afirka oo maanta Muqdisho lagu qabtay ayaa sheegay inuu rajeynayo in
dhawaan shirka ururka Midowga Afrika lagu qabto magaalada Muqdisho ee xarunta
Soomaaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay
in dowladda Soomaliya ay kaalin weyn ku lahayd dhismaha ururka Midowga Afrika
xilligaas oo ay xor ahaayeen 32 dowladood oo ka tirsan qaaradda Afrika oo ay
Soomaaliya ku jirto.
“Ururka Midowga Afirka wuxuu jirsaday
50-sano, Soomaaliyana waxay ku faanaysaa inay ka mid ahayd dalalkii aasaasay Midowga
Yurub, iyadoo uu ka mid ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cabdulle
Cismaan inuu saxiixay heshiiskii lagu dhisay Midowga Afrika, Maantana waa mid
ay Afrika ku faani karto inay ka qayb ka qaateen dib u soo celinta nabadda
Somalia,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo hadal dheer ka jeediyay kulanka oo lagu
qabtay xarunta AMISOM ee Xalane.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in magaalada
Muqdisho ay ku taallo xaafad lagu magacaabo Afrikaan Village oo loo dhisay
madaxdii Midowga Afrika oo shirk u yeeshay toddobaatameeyadii magaalada
Muqdisho, waxaana rajeynaynaa in dhawaan halkaas lagu qaban doono shirka
Midowga Afrika,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in
xaafaddaas oo caan ah ay horay u qabsadeen Al-shabaab, balse cidiamada dowladda
Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika oo iskaashanaya ay ku guuleysteen inay ka
saaraan, taasna ay guul u tahay Soomaaliya iyo Qaaradda oo dhan.
Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qaybgalay
madax ka socday Midowga Yurub, saraakiil ka socday dalalka ay ciidamada ka
joogaan Soomaaliya, xubno ka tirsan bulshada rayidka ah iyo dadweyne fara badan
oo lagu casuumay.
“Waxaa xusid mudan in ururka Midowga Afrika
uu gacan ka geystay sidii ay xorriyadooda u heli lahaayeen 20-dal oo Afrikaan
ah, waxaana rajeynayaa in 50-sano ee soo socota ay shucuubta dallaka Afrika oo
dhan isaga gudbaan meel walba oo Qaaradda ka mid ah,” ayuu madaxweynuhu
hadalkiis ku daray.
Sidoo kale, waxaa halkaas ka hadlay ergayga
Midowga Afirka ee Soomaaliya Maxamed Saalax Anaadiif oo sheegay in xafladda
lagu qabtay Muqdisho ay tilmaan cad u tahay in horumar muuqda laga gaaray nabadda
caasimadda Soomaaliya, goobaha kale harsanna dhawaan laga saari doono
Al-shabaab si dalka oo dhan nabad loogu dabaalo.
“Midowga Afrika wuxuu jirsaday 50-sano,
waxaanan ugu hambalyeynayaa madaxda Afrika iyo shacabka Qaaradda ku nool oo
dhan. Wax badan ayaa u qabsoomay ururka, waxaana rajeynayaa in kuwa kale ee
harsanna si deg-deg ah ku qabsoomaan,” ayuu Anaadiif hadalkiisa ku sheegay.
Dhanka kale, waxaa halkaas ka hadlay mas’uuliyiin
uu ka mid ahaa dajiraha Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Dayib Dubad Rooble iyo
xubno kale oo xusay in Soomaaliya ay haybad u tahay inay ka mid noqoto dalalkii
wax ka dhisay ururka Midowga Afrika, laguna xusuusan doono weligood.
Xafladda lagu xusayay 50-sano guuradii
kasoo wareegay ururka Midowga Afrika ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo
lagu qabto Muqdisho tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, iyadoo
ammaanka goobta ay xafladdu ka dhacaysay ay si aad u adkeeyeen ciidamada
AMISOM.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya