4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 22, 2013
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo kulan la yeeshay Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SAWIRRO)


Arbaco, May 22, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti uu hoggaaminayo wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, danjire Maxamed Saalax Anaadif iyo saraakiisha sar-sare ee AMISOM.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saarayey arrimaha amniga iyo horumarka ay ka gaareen ciidmada dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM, sidoo kale waxaa lagu soo qaaday dagaallada lagula jiro Xarakada Al-shabaab.

“Soomaaliya waxay xubin muhiim ah ka tahay Midowga Afrika oo maalmo ka dib u dabaal-dagaya 50-guuradii kasoo wareegtay markii dhidibbada loo asaasay ururka Midowga Afrika; Soomaaliyana waxay ka mid ahayd dalalkii wax ka aasaasay Ururkan. Waxaan leeyahay hambalyo waxaan ururka ka rajaynayaa inuu sii xoojiyo sidii loo heli lahaa Afrika oo gaarta horumar dhab ah,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid oo intaas ku daray inuu mahad gaar ah u celinayo dalalkii ku yaboohay ciidamada AMISOM.

 

Wakiilka Midoga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay sida ay uga go’an tahay ururka Midowga Afrika sidii uu qayb libaax uga qaadan lahaa in Soomaaliya oo nabad ah la arko.

“Midowga Afrika waxay u dabaal-dagayaan 50-guuradii kasoo wareegtay markii la aasaasay, waxaana Muqdisho u imid inaan dadka Soomaaliya kala qayb-qaato dabaal-dagga ururka. Maalinta berri ah waxaa Muqdisho lagu qaban doonaa xaflad balaaran oo loogu dabaal-degayo Midowga Afrika,” ayuu yiri dajire Anaadif oo sheegay inay ra’iisul wasaaraha kawada hadleen horumarrada ay sameeyeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwo AMISOM.

Magalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa 25-ka bishan waxaa ka dhici kulan ay yeelanayaan madaxweynayaasha dalalka Afrika, kaasoo ay ugu dabbaal-degi doonaan 50-guuradii kasoo wareegtay markii la asaasay ururka, iyadoo sidoo kale shirkaas looga hadli doono arrimaha Soomaaliya.



 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya