Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Bari oo Xukunno ku Ridday 78 Bad-maax oo u dhashay Dalka Iiraan (SAWIRRO)
Axad, May 19, 2013 (HOL) — Maxkamadda derejada
1-aad ee gobolka Bari ayaa maanta xukuntay bad-maaxiin u dhashay dalka Iiraan -
kuwaas oo saarnaa doomo si sharci darro ah uga kalluumeysaneyey xeebaha
Puntland- oo ay dhowaan ciidamada badda ee Puntland gacanta kusoo dhigeen.
Badmaaxiintan oo ay tiradoodu dhan tahay
78, ayaa waxaa sidoo kale lala soo qabtay 12nin oo Soomaali ah, kuwaasoo
iyaguna ilaalo ahaan ula socdey shantaas doomood ee laga leeyahay dalka Iiraan.
Denbiyada ay xeer ilaaintu kusoo oogtey ayaa kala ah: in ay waxyeeleeyeen
kalluumeysto u dhashay deegaanada Puntland iyo weliba in ay qaab aan sharci
ahayn uga kalluumeysanayeen xeebaha Soomaaliya.
Guddoomiyaha maxkamadda Sheekh Aadan
Aw-Axmed ayaa kaddib markii uu dhegeystey eedeynta xeer ilaalinta iyo difaaca
qareemada wuxuu ku dhawaaqay xukunka ay maxkamaddu riddey, kaas oo ahaa ganaax
lacageed oo ay wadartiisu tahay $680,000 (lix boqol iyo siddeetan kun oo
doolar).
Afarta doomood ayaa mid walba waxaa lagu
xukumay $500,000; afarta naakhuude waxaa lagu xukumay midkiiba $5,000;
badmaaxiinta kale ee Iiraaniyiinta ah oo dhan 74nin waxaa lagu xukumay mid
walba $2,000; halka 12-ka nin ee Soomaalida ah iyagana mid walba lagu xukumay
$1,000.
Guddoomiyaha maxkamadda ayaa sidoo kale
sheegay in lacagtan ganaaxa ah ay tahay in lagu bixiyo muddo 45-maalmood
gudahood ah, haddii kale ganaaxa lagu beddeli doono xarig, doomahana ay la
wareegi doonto dowladdu. Dhinaca kale hub u badan qoryaha fudud ee daran
dooriga u dhaca oo ay wateen 12-ka Soomaalida ah ee doomahaas ilaalada ka ahaa,
waxay maxkamaddu amar ku bixisay in lagu wareejiyo dowladda Puntland.
Bishii April ee lasoo dhaafay 24-teedii
ayey ahayd markii ciidamada badda ee Puntland ay ka qabteen xeebaha badda cas
ee Puntland, shan doonyood oo nooca kalluumaysiga ah, kuwaasoo dhamaantood laga
leeyahay dalka Iiraan ayna saarnaayeen 90-qof oo ay 12 kamid ahi Soomaali
yihiin.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan
Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya