4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 28, 2013
AFHAYEENKA AMISOM: “Ciidamada ka imaanaya Sierra Leone waxaa la geyn doonaa Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo”

Khamiis, Maarso 28, 2013 (HOL) — Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xalane ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin halka la geynayo ciidamada ka imaaanaya dalka Sierra Leone, booliiska AMISOM oo ka howlgalaya gobollada dalka qaarkood iyo qorshe ay ku donayaan inay kula wareegaan deegaannada ay baneynayaan ciidamada Itoobiya.

Col. Xumad ayaa sheegay in 850 askari oo ka imaanaya toddobaadka soo socda dalka Sierra Leone la geyn doono gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo ay ku sugan yihiin ciidammo ka tirsan kuwa Kenya oo qayb ka ah AMISOM.

“Ciidamada ka imaanaya Sierra Leone oo toddobaadka soo socda imaanaya waxay qayb ka qaadan doonaan howlgalka ay wadaan ciidamada AMISOM,” ayuu yiri Col. Xumad oo sheegay in goobaha ay ka howgeli doonaan ay ka mid tahay Kismaayo.

Sidoo kale, afhayeenka wuxuu ka hadlay qorshe ay ku doonayaan inay kula wareegaan goobaha ay banneeyaan ciidamada Itoobiya , isagoo sheegay in ciidamada AMISOM iyo dowladda ay u diyaarsan yihiin inay goobahaas kala wareegaan ciidamada Itoobiya.
 
“Dhawaan waxaan maqalnay in ciidamada Itoobiya ay isaga baxaan Xudur, waxaana naga go’an inaan inaan la wareegno degmadaas iyo deegaannada kale ee ay ciidamada Itoobiya doonayaan inay ka baxaan,” ayuu Col. Xumad ku sheegay shirkiisa jaraa’id.

Ciidamada Itoobiya ayaan qayb ka ahayn kuwa Midowga Afrika hoostaga ee ku sugan Soomaaliya, waxaana saraakiishooda ay sheegeen inay ka baxayaan dhawaan deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ay soo galeen dhammaadkii sannadkii 2011.

Dhanka kale, afhayeenka AMISOM wuxuu sheegay in ciidammo booliis ah oo ka tisran AMISOM dhawaan la geyn doono magaalooyinka Baladweyne, Kismaayo iyo Baydhabo, isagoo sheegay inay qayb ka qaadan doonaan sugidda ammaanka magaalooyinkaas.

Howgalka AMISOM ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay lagu ballaariyay gudaha Soomaaliya, halka markii hore uu ahaa mid ku eg magaalada Muqdisho, balse haatan waxay ciidamada ka howlgalaan gobollada dalka Soomaaliya sida ku Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya