4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 28, 2013
Wafdigii uu hogaaminayay Ra’isul wasaare Saacid oo booqday qeybo ka tirsan magaalada Kismaayo [DAAWO SAWIRRO]



Khamiis, 28 Maarso, 2013(HOL) :-Wafdigii uu horkacayay ra’isul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta booqasho ku soo maray marsadda caalamiga ah ee magaalada Kismaayo iyo weliba qaar katirsan xerooyinka ay daganyihiin ciidamada xoogga dalka.

 Ra’isul wasaare Saacid oo ay wehlinayeen xubno ka tirsan golihiisa wasiirada iyo masuuliyiinta ugu sareeysa maamulka Kismaayo  ayaa booqasho kusoo maray Marsadda Caalamiga ah ee magaalada Kismaayo iyo Xerada shiirkole oo ay daganyihiin guutada labaad ee ciidamada xoogga dalka.

Wafdiga Ra’isul wasaaraha ayaa booqashadooda ku bilaabay marsadda Kismaayo, xilli ay halkaasi ku suganaayeen doomo ganacsi oo laga dajinayay shixnado kala duwan, waxaan ra’isul wasaare Saacid iyo wafdigiisa ay kusoo wareegeen dhamaan qeybaha kala duwan ee Dakadda.

Intii uu ra’isul wasaaraha iyo wafdigiisa ay ku sugnaayeen gudaha dakadda ayaa warbixin kooban laga siiyay habka ay u shaqeyso dakadda iyadoona sidoo kale ra’isul wasaaruhu uu indhiisa ku arkay qeybo ay ka burbursantahay dakadda iyo weliba Markab xilliyadii dagaallada ku burburay dakadda oo hakad geliyay isticmaalka qeyb kamid ah dekedda.

Ra’isul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa intaasi ka dib u gudbay xarunta Shiirkole oo ku taal nawaaxiga madaxtooyada halkaasoo ay daganyihiin cutubyo ka tirsan guutada labaad ee ciidamada xoogga dalka, waxaana wafdiga ra’isul wasaaraha ay ku socdaaleen wadada dheer ee isku xirta dakadda iyo Madaxtooyada xilli dhaqdhaqaaqa dadka iyo gadiidka uu ahaa mid caadi ah.

Ra’isul wasaaraha ayaa markii uu gaaray xarunta Shiirkole waxa uu salaan sharaf ka gudoomay ciidamo ka tirsan dowladda, isagoona intaasi kadib kulan ay ilbaabada u xiranyihiin la qaatay madaxda ugu sareeysa ee maamulka Kismaayo iyo saraakiisha ciidamada ee ku sugan halkaasi.

Wafdiga ra’isul wasaaraha ayaa ugu danbeyn dib ugu laabtay Hotelkii ay daganaayeen iyadoona ay xusid mudantahay in wafdiga ay booqashadiisa ku wehlinayeen gudoomiyaha maamulka KMG ee Kismaayo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe), gudoomiye ku xigeenka maamulkaasi Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer), wasiirro, xildhibaanno, Saraakiil iyo weliba cutubyo ka tirsan ciidamada AMISOM ee ku sugan Kismaayo.











…………..
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.