4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2013
Ciidammo ka socda Sierra Leone oo Toddobaadka soo socda ka mid noqonaya Howgalka Midowga Afrika ee AMSIOM


Arbaco, Maarso 27, 2013 (HOL) — Kaddib muddo dib u dhac ah ayaa lagu wadaa in ciidammo ka socda dalka Sierra Leone ay ka mid noqdaan howgalka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo ku sugan qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Sierra Leone, Ernest Bai Koroma ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan tahay inay qayb ka qaataan howgalka taariikhiga ah ee dalka ku yaalla Geeska Afrika lagu xasilinayo.

Dowladda Sierra Leone ayaa waxay ballanqaaday bishii Diseember ee 2010 inay Soomaaliya u dirayso 850 askari oo qayb ka noqda howgalka AMISOM ee ay Qaramada Midoobay taageerto, kuwaasoo dagaal kula jira Al-shabaab.

Balse sannadkii lasoo dhaafay ayay ururka Midowga Afrika la saxiixdeen heshiis is-faham ah oo ay ciidammo ugu soo dirayaan Soomaaliya. Kaasoo uu ka mid yahay inay tababarro siiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

“Maanta, kaddib 12 bilood oo diyaarin iyo tababarid ah, Sierra Leone waxay u diraysaa Soomaaliya hal cutub oo ciidamadeeda milateriga ka mid ah si ay uga qaybqaataan howgalka AMISOM,” ayuu yiri madaxweyne Koroma.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Waxaan dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska uga mahadcelinaynaa taageerada ay ciidamadeenna siiyeen si sidan loogu diyaariyo, ciidamadeenuna hadda waa kuwo diyaar ah.”

Ciidamadan ayaa waxaa lagu wadaa in Soomaaliya loosoo qaado Talaadada soo socota. Iyadoo tababarkan ciidamadan uu soo billowday sannadkii 2011, iyadoo qalabka ay ku howgalayaan ay siisay dowladda Mareykanka.

“Dalkeennu wuxuu ku tallaabsaday inuu qayb ka noqdo howgallada nabadda ee caalamka. Guushan waa mid aan innagu sameynay. Ciidamadeennu waa kuwo leh xirfad weyn oo ay ku gudan karaan waajibaadkooda. Tanina waa mid noo horseedaysa magac iyo sharaf,” ayuu yiri madaxweynaha Sierra Leone.

Howgalka Midowga Afrika oo soo billowday sannadkii 2007 ayaa waxaa ku soo darsamayay sannad walba dowlad cusub oo ciidammo keenaysay, iyadoo ciidamada hadda jooga oo tiradoodu ka badan tahay 17,000 oo askari ayaa waxay ka socdaan dalalka, Uganda, Burundi, Kenya iyo Jabuuti, iyadoo Sierra Leone ay noqonayso dowladdii shanaad oo ciidammo u soo dirta Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya