4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2013
Kooxo hubeysan oo dhac u geystay Xarunta Shirkadda Xawaaladda KAAH ay ku leedahay Magaalada Boosaaso


Arbaco, Maarso 27, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan oo ka kooban shan qof ayaa dhac u geystay baqonimadii maanta xarunta shirkadda xawaaladda Kaah ay ku leedahay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, iyadoo lagu dilay halkaas maamulkii xaruntaas iyo mid ka mid ah waardiyeyaasha.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxaha dhaca geysanayay ay sidoo kale dhaawaceen laba ka mid ah shaqaalihii shirkadda, iyadoo la sheegay in lab ka mid ah kooxihii dhaca geystay ay xirnaayeen dharka ciidamada Puntland.

Dhaca kaddib ayay kooxaha hubeysani goobta ka baxsadeen, iyadoo aan la ogeyn lacagta ay dhaceen inta ay le’eg tahay, waxaase falkan uu noqonayaa kii ugu horreeyay noociisa oo ka dhaca magaalada Boosaaso.

“Ciidamada booliiska ayaa goobta soo gaaray shirkaddii dhaca loo geystay waxayna halkaas ka qaadeen labadii qof ee dhaawaca ahaa oo ay geeyeen isbitaalka guud ee Boosaaso,” ayuu yiri goobjooge halkaas ku sugnaa.

Sidoo kale, ruux goobjooge ah ayaa isaguna sheegay inuu arkay dhiig badan oo goobta daadsan, wuxuuna wixii uu arkay ku sifeeyay arrin naxdin leh oo aan horay uga dhicin degmadaas.

Maamulka Puntland weli kama hadlin falkan, iyadoo aan la ogeyn kooxaha dhaca geystay ciddii ay ka tirsanaayeen iyo halka ay aadeen, iyadoo ay ku soo beegmayso tani xilli maamulka Puntland uu muddo hal sano xil kororsi sameystay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya