4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 25, 2013
Jaamacadda Plasma oo Deeq gaarsiisay Dadkii uu soo ritay Cudurka Shuban-biyoodka ee Magaalada Baladweyne (SAWIRRO)


Isniin, Maarso 25, 2013 (HOL) — Iyadoo sii kordhayaan tirada dadka uu soo ridanayo cudurka shuban biyoodka magaalada Baladweyne, ayaa haddana dhinaca kale waxaa socda gurmadka caafimaad ee loo sameynayo dadka la ildaran cudurka oo ku jira xarumo gaar ah oo laga sameeyay dulleedka magaalada Baladweyne.

Haddaba Jaamacada Plasma ayaa maanta gaarsiisay dhowr Kartoon oo Faleebon ah, ORC, Biyo nadiif ah,  Caano, iyo  dhowr Kartoono oo Saabuun ah, oo ay ugu talagashay Jaamacada  dadka  uu soo ritay cudurka oo  tiradooda lagu sheegay in ay kor u sii dhaafayaa 150 ruux oo u badan caruur.

Maamulka  Plasma ee magaalada Baladweyne  iyo ardeyda wax ka barata Jaamacada oo maanta gaaaray xarunta ugu weyn ee dadkan lagu daweynayo ayaa gargaarka ku wareejiyay dhaqaatiirta ciidamada Jabuuti ee ku howlan daweynta dadka la ildarran cudurka.

Abuukar Cabdulle Muumin hormuud Jaamacada Plasma ee magaalada Baladweyne oo HOL la hadllay ayaa sheegay in madaama Jaamacada qeybteeda ugu weyn tahay caaafimaadka, sidaa daraadeed ay garteen maamulka iyo ardeyda Jaamacada in ay kaalin ka qaataan gurmadka caafimaad ee loo fidinayo dadka uu soo ritay cudurka.

“Macalimiinta iyo ardeyda Jaamacada Plasma waxaa ay isla garteen in ay gacan mug leh ka qaataan gurmadka caafimaad ee socda, gargaarkan aan hadda ku deeqnayna waxaa is leenahay waa mid muhiim u ah marka la eego daweynta dadka cudurkan uu haleelo,’’ ayuu yiri hormuudka Jaamacada Plasma ee magaalada Baladweyne.

Sidoo kale, maamulka Jaamacada waxaa uu sheegay in ay ku deeqeen qaar ka mid ah ardeyda oo si bilaasha ah ama mudadawacnimo ah ula shaqeyn doona dhaqaatiirta ku howlan daweynta dadka cudurka la ildarran, waxaana talaabadaa siweyn u soo dhaweeyay howl-wadeenada xarunta ugu weyn ee la dhigay dadka bukaanka ah.

Deeqdan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo ay bixiso Jaamacada Plasma, waxaana uu maamulka Jaamacada sheegay in ay ku tala jiraan kordhinta kaalamada caafimaad ee loo fidinayo dadka dhibaateysan.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya