4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 24, 2013
Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo Booqasho ku tagay Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay

Axad, Maarso 24, 2013 (HOL) — Wafdi isugu jira xildhibaanno iyo wasiirro oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Prof. Jawaari iyo wfdigiisa ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Baydhabo mas’uuliyiinta maamulka gobolka, kan degmada iyo saraakiisha ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, iyadoo la dajiyay hoteelka Bakiin ee duleedka Baydhabo.

Guddoomiyaha ayaa durba kulan la qaatay maamulka iyo waxgaradka ku nool degmada Baydhabo isagoo sidoo kale warbixinno ka dhageystay xildhibaannadii horay ugu sugnaa degmada Baydhabo oo gogol-xaarka u ahaa booqashadiisan.

Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in waxyaabo badan ay u qabsoomeen tan iyo markii ay soo gaareen Baydhabo oo ah in ka badan hal todobaad, isagoo sheegay inay la kulmeen qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka ayna warbixinno ka dhageysteen.

Safarka guddoomiyaha baarlamaanka oo qaadan doona maalmo ayaa waxaa la sheegay inuu salka ku hayo xallinta muran ka taagan maamulka gobolka Bay, sidoo kale warark ayaa waxay sheegayaan in lagu wado inuu kala hadlo saraakiisha ciidamada Itoobiya inaysan ka bixin deegaannada ay gobollada Bay iyo Bakool kaga sugan yihiin.

Balse guddoomiyaha baarlamaanka oo si kooban ula hadlay shacabka iyo mas’uuliyiinta gobolka Bay ayaa sheegay in muddada uu ku sugan yahay Baydhabo ay maqli doonaan waxyaabo badan oo horumar leh.

Arday laga soo xulay iskuullada wax laga barto ee Baydhabo, haweenka iyo dhallinyarada ayaa wafdiga guddoomiyaha ku booqday hoteelka uu ka degay magaalaa Baydhabo, kuwaasoo hambalyeeyay guddoomiyaha iyo wafdigiisa.

Waa markii ugu horreysay oo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya uu tago magaalada Baydhabo tan iyo markii xilka guddoomiyaha loo doortay bishii Ogoosto ee sannadkii hore.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya