4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 23, 2013
Mareykanka oo Muujiyay Walaaciisa ku Aaddan Ciidanka itoobiya ee billaabay inay isaga baxaan Koonfurta Soomaaliya

Sabti, Maarso 23, 2013 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee gobollada Bay iyo Bakool ku tilmaantay tallaabo aan loo baahnayn xilligan, iyagoo ku boorriyay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM inay buuxiyaan goobaha ay banneeyeen ciidamada Itoobiya.

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Johnnie Carson oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa ku sheegay in tallaabada ay qaateen ciidamada Itoobiya ay sababi karto in Al-shabaab ay dib ugu soo laabtaan deegaannadaas.

“Bixitaanka ciidamada Itoboiya ay ka baxeen deeganano ku yaalla koonfurta waa mid aan xilligan la filayn, waxaanse ciidamada Soomaalida iyo kuwa ay gacanta ka helaan ee AMISOM ku boorrinaynaa inay si dhaqso ah goobahaas ula wareegaan,” ayuu yiri Carson.

Sarkaalkan ayaa hadalkiisa ku daray in xukuumadda Washington ay aad uga walaacsn tahay sida ay xalaadud noqon karto haddi ciidamad Itoobiya ay si buuxdan uga baxaan deegaannada ay kaga sugan yihiin Koonfurta Soomaaliya.

Ciidamada Itoobiya oo aan qayb ka ahayn AMISOM ayaa waxay Axaddii hore si lama filaan ah uga baxeen degmada Xuddur oo ay muddo hal sano gacanta ku hayeen, halkasoo ay dib ugu laabteen xoogaggii Al-shababa ee laga saaray horaantii sannadkii hore.

Taliyaha ciidamada AMSIOM, Jen. Andrew Gutti ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay ciidamadooda buuxiyaan boosaska ay banneeyaan kuwa Itoobiya oo sheegay inay dhawaan ka bixi doonaan deegaannada ay kaga sugan yihiin gobollada Bay iyo Bakool.

Dowladda Itoobiya weli kama aysan hadlin ka bixitaanka ciidamadeeda ay ka baxayaan deegaanno ku yaalla Koonfurta galbeed ee Soomaaliya, iyadoo ay Itoobiya si iskeed ah markii hore u soo galay Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya