4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 22, 2013
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo sheegay inay Mustaafurinayaan Nin la sheegay inuu Faafinayay Diinta Masiixiga

Jimco, Maarso 22, 2013 (HOL) — Taliyaha ciidamadda Booliska Somaliland Sareeyo guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay inay mustafurinayaan nin ajanabi ah oo magaaladda Hargeysa ku faafinayey diinta misiixiga.

Ninkan oo la shaqaynay hay’ada UN-HABITAT ee Qaramada midoobay oo loo soo kaxaystay Injineernimo, ayaa waxa soo dacweeyey hoteelku deganaa oo xukuumada ku wargaliyey inuu ninkaasi faafinayo diinta kiristaanka, ka dibna ay ciidamadda amnigu xabsiga u taxaabeen.

“Ninkii waanu qabanay waana mastaafurinaynaa, Waxa uu noqday nin ku kacay fal lidi ku ah Diinta Islaamka”ayuu yidhi taliyaha Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal, waxaanu intaas ku daray “ waxaananu la xidhiidhnay Hay’adda UN Habitat iyo Shirkadda  dhisme oo gaar loo leeyahay oo uu la shaqaynayey ,waxaanay ka bixiyeen raaligelin buuxda, Waxa ay noo sheegeen in uu Dalka u yimid tababarka Injineerada Hay’addaha UN-ka, balse markii ay ogaadeen in uu ku jiro Faafinta Diinta Masiixiga waxa ay u arkeen in aanay masuul ka noqon Karin”.

Ninkan ayaa la sheegay inuu hoteelka uu deganaa si qarsoodi ah ku daadin jiray waraaqo diinta misiiga ah si dadku akhristaan, kuwaas oo baadhitaan ka dib ogaaday , isla markaana u soo gudbiyey xukuumadda si sharciga loo horgeeyo.

Dhinaca kale, Taliyuhu wuxu sheegay inay wax ka qabteen dhallinyaro habeenno dhawayd khalkhalgalisay amniga, kuwaas oo dadka waxyeelaynayey, waxaanu xusay inuu qaarkood xidhxidheen oo sharciga la horgeyn doono, isla markaana cidii dambe ee falal amni daro ah lagu qabto xabsiga loo taxaabi doono, isagoo waalidkoodna ugu baaqay inay caruurtooda ka war hayaan.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland