4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 21, 2013
Askar ka tirsan ciidamada Milateriga Soomaaliya oo siyaabo kala duwan loogu dilay Xaafado ka tirsan Degmada Dayniile

Khamiis, Maarso 21, 2013 (HOL) — Afar ka mid ah ciidamada xoogga dalka ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, gaar ahaan xaafadaha ku teedsan jidka warshadaha.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in labo ka mid ah askartan la dilay iyagoo aan qoryo wacan oo lugeynaya inta u dhexeysa agagaarka kuliyadda Jaalle Siyaad iyo xeradii milateriga Oodweyne ee degmada Dayniile, iyadoo dilka askartan ay geysteen saddex ruux oo bastoolado ku hubeysan.

Sidoo kale, saakay ayay ahayd markii nawaaxiga ceelka Tusbaxle oo ku dhow jidka warshadha lagu arkay meydka labo askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, kuwaasoo jirkooda ay ku tiilay rasaas lagu dilay, iyadoo ay tahay markii ugu horreysay oo tiro intaa le’eg oo askar ah lagu dilay xaafado ka tirsan Dayniile.

Ma jiro war ku saabsan dilalka loo geystay askartan oo dowladda Soomaaliya kasoo baxay;  hase ahaatee degmada Dayniile ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay kusoo badanayay dilalka loo geysanayo askarta dowladda, iyadoo sidoo kalena ay mararka qaarkood ka dhacaan weerarro ciidamada dowladda lagu soo qaado.

Qaar ka mid ah milkiilayaasha shirkadaha korontada ayaa dhawaan joojiyay howlihii dab-gelinta degmadaas kaddib markii sida ay sheegeen ay kooxo ka tirsan Al-shabaab ugu hanjabeen inay dili doonaan haddii ay joojin waayaan nalalka ay gelinayaan xaafadaha si ay ugu suuro-gasho inay howlahooda si qarsoodi ah uga fushadaan halkaas.

Al-shabaab ayaan sheegan dilalka askartan loo geystay, balse waxay horay u sheegeen inay xoojinayaan howgallada ka dhanka ah ciidamada dowladda ee ay ka wadaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya