4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 20, 2013
Saraakiil iyo Xoogag ka tirsan Al-shabaab oo Dhimasho iyo Dhaawac ay kasoo gaartay Qarax ka dhacay Degmada Diinsoor


Arbaco, Maarso 20, 2013 (HOL) — Ugu yaraan sagaal xubnood oo isugu jira saraakiil iyo dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa ku dhintay qarax weyn oo xalay ka dhacay degmada Diinsoor ee gobolka Bay, iyadoo in ka badan 10 qof oo ku dhaawacmayna la dhigay isbitaalka Diinsoor.

Qaraxan ayaa wuxuu ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga buuxiyay oo yaallay saldhig ay Al-shabaab ku leedahay degmadaas, iyadoo la sheegay in la doonayay in gaarigaas fal ismiidaami ah looga fuliyo degmada Baydhab oo ay ku sugan yihiin wasiirro, saraakiil iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda Soomaaliya.

“Fiidnimadii xalay ayaa waxaa ka dhacay degmada Qarax weyn oo aad u gil-gilay magaalada, qaraxu wuxuu ka dhacay saldhig ay Al-shabaab leedahay. Goobta waxaa markiiba isku gadaamay ciidammo ka tisran Al-shabaab oo kasoo saaray inta aan aragnay sagaal ruux oo dhimasho ah,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku nool degmada Diinsoor oo diiday in magaciisa uu sheego.

Goobjoogayaal kale ayaa sheegay in dadka ku dhow saldhigga uu qaraxu ka dhacay ay waxyeello soo gaartay, kuwaasoo iyagana la dhigay isla isbitaalka degmada, iyadoo saraakiisha Al-shabaab ee degmada ku nool ay dadka ugu baaqeen inay dhiig u shubaan dadkii ku dhaawacmay qaraxaas oo u badan Al-shabaab.

“Saraakiisha ku dhintay qaraxa waxaa ku jira guddoomiye ku xigeenkii maxkamadda Al-shabaab ee degmada Diinsoor iyo saraakiil kale oo si weyn looga yaqaan degmada,” ayuu yiri goobjoogaha ku sugan Diinsoor ee HOL la hadlay.

Xarakada Al-shabaab ayaan weli ka hadlin qaraxaas iyo waxyeellada kasoo gaartay, iyadoo qaraxan uu sidoo kale burburiyay gaadiid ku jiray saldhigga ay Al-shabaab ku lahayd Diinsoor, kuwaasoo ay ku jireen gaadiid dagaal.

Degmada Diinsoor ayaa ah degmada Keliya ee Xarakada Al-shabaab kaga sugan tahay gobolka Bay, halkaas ay xarun weyn ka dhigteen horraantii sannadkii hore markaasoo laga qabsaday degmada Diinsoor.

Qaraxan ayaa noqonaya kii labaad noociisa oo Al-shabaab kula qarxa goobaha weli ka taliyaan, iyadoo horraantii bishan uu qarax noocan oo kale ah ka dhacay degmada Buulo-burte kaasoo ay ku dhinteen saraakiil iyo xubno sarsare oo Al-shababa ka tirsan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya