4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 18, 2013
KHALIIF AXMED EREG: “Dhaawacyada i soo gaaray waa kuwo ka dhashay muraayadihii gaarigayga oo igu soo daatay”


Isniin, Maarso 18, 2013 (HOL) — Taliyaha hay’adda nabadsugidda Qaranka ee gobolka banaadir, Khaliif Axmed Ereg oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho gellinkii dambe ee maanta ayaa sheegay inuusan jirin dhaawac kasoo gaaray qarixii maanta lala beegsaday gaari uu watay, balse ay muraayadihii gaariga ayaa igu soo daatay.

Ereg ayaa sheegay in qaraxan uusan wax niyadjab ah ku keeni doonin oo uu sii wadanayo howshiida, isagoo sheegay in markii Alle uu ugu talogalay uu dhiman doono, ka horna cid dili karta aysan jirin.

“Dhaawacyada fudud ee i soo gaaray waa kuwo ka dhashay muraayadihii gaarigayga oo igu soo daatay mana jiraan wax kale oo i gaaray. Balse waxaa qaraxa ku dhintay mid ka mid ah ilaaladayda, laba kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray,” ayuu yiri Khaliif Ereg.

Sidoo kale, taliyaha ha’yadda nabadsugidda ayaa sheegay inuu sii wadayo dagaalka uu kula jiro kuwa diidan nabadda, isgaoo si gaar ah u xusay inuu la dagaalamayo Al-shabaab.

Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa si adag u cambaareeyay madaxa dowladda Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamay weerar fulaynimo ah oo lala beegsaday shacab aan waxba galabsan.

Dhanka kale, taliyaha hay’adda nabadsugidda Qaranka, Axmed Macallin Fiqi oo isaguna qaraxan ka hadlay ayaa sheegay inay geysteen laba qof oo wada saarnaa gaariga lagu fuliyay qaraxa, isagoo sheegay inay aad u yar tahay khasaaraha ciidamada nabadsugidda kasoo gaaray weerarkan.

Al-shabaab waa koox aan doonayn nabad ka dhalata dalka, innaguna waxaa naga dhexeeya dagaal, waxaana caddeynaynaa in maanta uu cadaaday inuu yahay dagaalka noo dhexeeya mid xaq ah.

War ay maanta soo saartay Al-shabaab ayay ku sheegtay inay dhaawac ugu geysteen weerarkii ismiidaaminta ahaa taliyaha nabadsugidda gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg, uuuna weerarku ahaa mid ay ugu aargudayeen dad ay sheegeen in lagu dilay Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya