4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 18, 2013
Weerar Ismiidaamin ah oo khasaare fara badan geystay oo Maanta ka dhacay Afaafka hore ee Xarunta Fanaaniinta Ex-Fiyoore

Isniin, Maarso 18, 2013 (HOL) — Weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay goor dhow afka hore ee xerada Ex-fiyoore ee magaalada Muqdisho, kaasoo sababay khasaare badan oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Dadka ku dhintay weerarkan ayaa waxaa ku jira ninkii waday gaariga lagu fuliyay qaraxa ismiidaaminta ah, waxaana ku dhaawacmay taliyaha hay’adda nabadsugidda ee gobolka Banaadir Col. Khaliif Axmed Ereg.

“Qaraxu waxyeello badan ayuu geystay, waxaa ku gubtay laba gaari oo kuwa dadweynaha ah iyo dadkii ay sideen, sidoo kalena waxaa ku dhintay dad badan oo ku jiray maqaayad ku taalla afka hore ee Ex-fiyoore,” ayuu yiri goobooge goobta ku sugnaa oo la hadlay HOL.

Ex-fiyoore oo aad ugu dhowr xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa ahayd goob ay dad badan ku sugnaayeen marka uu qaraxu dhacayay, waxaana soo gaaray ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo halkaas oo dhan isku gadaamay.

Ma jirto cid sheegtay mas’uuliyadda weerarkan ismiidaaminta ah, sidoo kale kama aysan hadlin weli madaxda dowladda Soomaaliya, waxaana uu ka mid noqonayaa weerarkan weerarro dhowr ah oo ka dhacay agagaarka xarunta madaxtooyada dhowrkii bilood ee ay jirtay dowladda cusub.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan ayaa haddana waxay wararka hordhaca ah shegayaan inay ku dhinteen in ka badan 10-qof, ayna ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan oo ay ku jiraan xubno dowladda ka tirsan.

Wixii warar ah ee kasoo kordha kula soco wararkeenna dambe haddii Alle ogolaado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya