4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 18, 2013
Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee (NUSOJ) oo soo dhaweeyay sii-daynta Wariye Cabdicasiis Koronto


Isniin, Maarso 18, 2013 (HOL) — Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray kusoo dhaweeyay sii-daynta wariye C/casiis C/nuur Ibraahim (Koronto) oo maxkamadda sare ay shalay laashay ama diidday dacwooyinkii loo haystay.

Xoghayaha guud ee NUSOJ, Cumar Faaruuq Cusmaan ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo go’aanka ay gaartay maxkamadda sare ee dalka oo lagu sii daayay wariyaha, kaddib markii ay xeer ilaalintu ka laabatay eedihii loosoo jeedisay suxufiga.

Ururka NUSOJ ayaa sheegay inay mar walba ku adkeysanayeen in wariye Cabdicasiis Koronto loo haystay si xaq-darro ah isagoo loo xiray shaqadiisa loona haystay maxaad u doontay oo aad u raadisay isla markaana u wareysatay haweeney cabaneysa.

“Waxaa muhiim ah in la ogaado halka ay dhibaatadu ka jirtay. Waxaana cadaatay in khalad weyn ay ku dhaceen kuwii baarayay dacwadda ka dhanka ah wariyaha. Waxaa muuqata in cadaaladda loo sheegay wax aan sax ahayn laguna deg-degay in wariya la iska xiro oo maxkmad la horgeeyo si cadaalad-darro ahna loo xukmo,” ayuu yiri Cumar Faaruuq.

Sidoo kale, Cumar Faaruuq wuxuu sheegay in arrintan uu kala hadlay madax ka tirsan dowladda, ayna u iftiimiyeen halka ay sartu ka qurunsan tahay, isagoo sheegay in iftiimintoodaas ay wax badan ka bedeshay kiiska aan ku saleysnayn cadaaladda ee lagu haystay wariyaha.

Isagoo sidoo kale sheegay in NUSOJ ayaa soo dhaweysay dadaalka ay dowladda federaalka Soomaaliya ugu jirto xoojinta nidaamka cadaaladda dalka; balse waxay ugu baaqday in wax laga qabto cabashooyinka laga tirsanayo hay’adaha baara dambiyada si aanan loogu xad-gubin suxufiyiinta.

Ugu dambeyn, xoghayah guud ee ururka qaranka suxufiyiint Soomaaliyeed wuxuu sheegay in tallaabadan ay tahay mid culeys badan ka fududeynaysa saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya