4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 18, 2013
Dowladda Hoose ee Laascaanood iyo dadweynaha Bariga Degmadaas oo iska kaashaday Olole nadafaadeed (SAWIRRO)


Isniin, Maarso 18, 2013 (HOL) — Olole nadaafadeed ay iska kaashanayaan dowladda Hoose iyo dadweynaha bariga magaalada Laascaanood ayaa lagu nadiifiyay goobo qashin buux-dhaafiyey oo uu ka mid yahay dugsiga hoose iyo dhexe ee Laascaanood,  kaasoo burubur soo gaadhay sagaashameeyadii noqday meel qashinka ama xashiiska lagu shubo.

Guddoomiyaha degmada Laascaanood, C/qaadir Jaamac Faarax oo intii uu socday ololahaas la hadlay saxaafadda ayaa uga mahad-celiyey shacabka ku nool xaafadaha bariga Laascaanood, wuxuuna ku tilmaamay inay yihiin kuwo in wax lala qabto mudan; waxaanu ugu baaqay xaafadaha kale ee ay ka kooban tahay magaalada inay ku daydaan walaalahood.

Duqu wuxuu u ballan-qaaday dadweynihii halkaasi hawsha ka waday inay keeni doonaan illaalo dusiga ilaalo ka ilaalisa qashinka iyo tuugo la sheegay inay habeenkii dadka ku baadhaan.

Xoghayaha dowladda hoose  ee Laascaanood, Cabdi Khayre Dirrir oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in howlgalkani ku yimi dadaal wacyigelineed oo dowladda hoose xaafadaha kala duwan la samaysay dadweyneheeda oo xaafaddani ka jawaabtay.

Bulshada xaafadaha Bariga Laascaanood ayaa soo dhaweeyay howlgalkan, maadaama haatan uu soo fool-leeyahay xilli roobaadkii gu'ga, iyadoo dowladda hoose ee Laascaanood ay tahay markii ugu horreysay ee ay isticmaasho cagaf-cagaf si ay deegaanka loo nadiifiyo.

Xilligan ayaa ah xilli ay qaar badan oo bulshada deegaankan ahi ay qabtaan olole nadaafadeed sida ururka ardayda jaamacadda Nugaal ee NOSGET oo badanaa iskaa wax u qabso ololayaal nadaafadeed uga sameeya degmada, ururrada waddaniga ah NGO's oo iyaguna xilliyada kuleylaha ah mashaariic kaga raadsada hay'adaha deeqaha-bixiya iyo dowladda hoose ee degmada Laascaanood.






Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool