4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 17, 2013
Mid ka mid ah Xubnihii ugu firfircoonaan Guddiga Doorashooyinka Punltand oo ku dhawaaqay inuu xilkiisii iska-casilay

Axad, Maarso 17, 2013 (HOL) — Dr. Cali C/raxmaan Xirsi oo ahaa xubin firficoon oo ka tirsan sagaalka xubnood ee guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntalnd ayaa shaaciyey in uu xilkaas iska casiley.

Dr. Cali oo si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay in istiqaaladiisa uu mar hore u gudbiyey xafiisyada ay khuseyso, islamarkaana uu ku rajo weynyahay in sida uga dhaqsaha badan looga aqabli doono.

Mar wax laga weydiiyey sababta ku kalliftya in uu xilligan xilkiisa wareejiyo, wuxuu sheegay in uu sidaas go'aansaday, haseyeeshee wuxuu ka gaabsaday in uu faahfaahin dheeri ah ka bixiyo.

Bishii June ee sanadkii 2011 ayuu golaha wakiillada ee Puntland soo magacaabay afar xubnood oo uu ku jiro Dr. Cali C/raxmaan Xirsi; si ay uga mid noqdaan xubnaha sagaalka ah ee uu guddiga doorashoyinka Puntland ka kooban yahay.

Dr. Cali C/raxmaan Xirsi oo muddo qurbaha ku noolaa gaar ahaan dalka Maraykanka, wuxuu kamid ahaa barayaasha Jaamacaddii Umadda ee magaalada Muqdisho, kahor burburkii dowladdii Mileteriga.

Arintan ayaa ah mid si weyn looga hadal hayo goobaha fadhi-ku-dirirka, waxayna kuso aadeysaa dhowr maalmood kaddib markii la dhaariyey qaybtii ugu horeysey ee kamid ah wakiillada guddiga doorashooyinka Puntland ee gobollada.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya