4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 17, 2013
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo isaga Baxay Degmada Xudur iyo Cabsi ka taagan Degmadaas

Axad, 17 Maarso, 2013(HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya kuwa Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in ay gabi ahaanba isaga baxeen magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, iyadoona daafaha magaaladaasi ay soo buuxdhaafiyeen cutubyo ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab.

Goobjoogeyaal ku sugan degmada Xudur oo qadka teleefonka ugu waramay HOL ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda ee ku sugnaa degmadaasi ay isaga baxeen magaalada, iyadoona lagu soo waramayo in ay u jiheysteen dhanka deegaanka Ceelbarde ee isla gobolkaasi Bakool.

Xaaladda degmada Xudur ayaa ah mid aad u kacsan, iyadoona qaar kamid ah dadka deegaanka ay bilaabeen in ay u barakacaan deegaanada ku dhow dhow degmadaasi, iyagoo ka cabsi qaba in ay halkaasi ka dhacaan dagaallo dhexmara ciidamada huwanta ah iyo Al-shabaab.

Ma jiraan ilaa imika masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo ka hadlay ka bixitaankooda degmadaasi, waxaana sidoo kale la garaneyn sababta rasmiga ah ee ka danbeeysa in ay halkaasi isaga baxaan.

Ciidamo aad u tiro badan oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay ku suganyihiin daafaha degmadaasi, waxaana xaaladda guud ee magalaada Xudur ay maanta tahay mid aad u qasan.

Xoogagga Al-shabaab weli gudaha uma gelin degmadaasi. haseyeeshee wixii warar ah ee kusoo kordha arintaasi dib ayaan idinka soo gudbin doonna haduu Alle yiraahdo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya