4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 16, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo shaaciyay in Al-shabaab lagu jabiyay Dagaalkii Tooska ahaa ee ay dowladda kula jireen

Sabti, Maarso 16, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Al-shabaab laga adkaaday, isagoo xusay inaysan awood u lahayn maanta inay dagaalamaan, balse ay kusoo urureen oo keliya inay fuliyaan dilal qorsheysan iyo weerarro argagaxiso.

Xasan Sheekh ayaa hadalkan u sheegay wargeys kasoo baxa dalka Uganda oo lagu magacaabo New Vision, xilli ay ku booqdeen xarunta madaxtooyada Soomaaliya, isagoo hadalkiisa ku daray in dowladdu ay guuleysatay.

“Al-shabaab waa la jabiyay awood ahaan, waxay hadda kusoo urureen inay fuliyaan weerarro argagaxiso iyo dilal qorsheysan, taasi waxay caddeyn u tahay inay ka daaleen dagaalkii tooska ahaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxay sannadihii 2007 illaa 2010 oo dalka ay xukumaysay dowladdii KMG ahayd waxay ahayd meel ay kusoo dhacdo rasaasta ay Al-shabaab soo riddo, balse hadda waa meel nabadgalyo ay ka jirto.

“Hadda ma haystaan meel ay ka helaan dhaqaale ay ku dagaalaman, waayo magaalooyinkii ay lacagaha ka heli jireen oo dhan waa laga qabsaday,”  ayuu madaxweyne Xasan hadalkiisa ku daray.

Tan iyo sannadkii hore Al-shabaab waxaa laga qabsaday deegaanno badan oo ay ka talin jirtay, kuwaasoo ay ka mid yihiin Baydhabo, Kismaayo iyo degmda Baladweyne, waxaana halkaas ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM iyo kuwo ka socda dalka Itoobiya oo aan ka mid ahayn AMISOM.

“Muddo dhow kaddib waxaa la arki doonaan iyadoo Al-shabaab aysan ka talin deegaan ka tirsan Soomaaliya oo dhan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ay horay u socon doonaan.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu soo dhaweeyay dalalka Afrikaanka ah ku taageeray ciidamada, isagoo sheegay inay shacabka Soomaaliyeed u hureen naf iyo maal badan si ay u difaacaan dowladda iyo shacabk Soomaalida.

“Waxa ugu qaalisan ee qofka bani’aadamka ah uu ugu deeqi karo qofka kale waa noloshiisa. Sidaa daraadeed dalalka noosoo gurmaday oo Uganda ay ka mid tahay waxay noogu deeqeen naftooda,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Ciidmada Uganda waxay ka mid ahaayeen ciidamadii ugu horreeyay ee dalka soo gaara, waxayna yimaadeen sannadkii 2007; xillligaas oo Muqdisho ay ku sugnaayeen ciidammadii Itoobiya, kuwaasoo dagaal kula jiray maxkamadihii Islaamka oo ugu dambeyn hoggaamiyahoodii uu noqday madaxweynaha dowladdii KMG ahayd.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ugu baaqay beesha caalamka inay sii waddo taageerada ay siiso Soomaalyia inta ay ka noqonayso dal si saani ah cagihiisa ugu istaaga.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya