4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 16, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Xubno Wasiirradiisa ka tirsan oo Booqday Maanta Xabsiga Dhexe ee Muqdisho (SAWIRRO)


Sabti, Maarso 16, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo ay wehliyaan Wasiirro ka tirsan xukuumadda ayaa saaka kormeer shaqo ku tagay xabsiga dhexe oo uu ka dillaacay cudurka shuban-biyoodka ayna ka jirto noqol xumo.

Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ayaa ah mid dhisnaa muddo boqol sano ku dhow, mana jirin wax dayactir ah oo uu helay 22-kii sano ee colaaduhu ay ka jireen dalka, waxaana hadda ku jira xabsiga maxaabiis gaaraysa 1,072 maxbuus oo u xiran dambiyo kala duwan.

Wasiirka cadaaladda xukuumadda Soomaaliya, Cabdullahi Abyan Nuur ayaa ka warbixiyey duruufaha ka jira xabsiga dhexe. Wuxuuna yiri: “xabsiga waxaa ka jira duruufo aan lasoo koobi karin, waxaa ka dillaacay cudurka shuban-biyoodka, illaa hadda waxaa u dhintay labo qof, halka 38 qof oo kalena  uu cudurkan hayo. Waxaa la siiyay dawooyin oo hadda xaalkoodu waa kasoo raynayaa. Waxaa arrimahaas sabab u ah nadaafad-darro iyo musqulaha oo aan ku filnayn maxaabiista. Wasaarada caafimaadku waxay ka gaystay gacan weyn sidii loo xakameyn lahaa shuban biyoodka, waxayna soo dirtay dawooyin iyo dhaqaatiir,” ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in biyo nadiif ah loo helo maxaabiista ay door muhiim ah ka qaadan karto hoos u dhaca cudurka iyo nolosha maxaabiista oo wanaagsanaata.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ku tilmaamay duruufaha xabsiga dhexe ka jira mid aad looga naxo, dowladdiisuna ay dadaal ugu jirto sidii wax looga qaban lahaa.

“Waxaa dowladda ka go’an inay wax ka qabato duruufaha ay ku sugan yihiin maxaabiista ku jira xabsiga dhexe,waxay dawladdu u samaysay gurmad deg-deg ah dadkii uu soo ritay cudurka shuban-biyoodka, maahan mid xabsiga kaliya ku eg cudurkaan, waxaa kaloo laga soo sheegay degmooyin ay ka mid yihiin: Baladweyn, Jowhar iyo Baraawe,” ayuu yiri Mudane Saacid oo intaas ku daray inaysan dowladdu ku eeganayn xaaladda adag ee xabsiga dhexe ka jirta, wixii awooddeenna ka sareeysa waxaanu la kaashan doonaa buu yiri beesha caalamaka.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha ayaa indho-indhayn kusoo sameeyey qolalka ay ku xiran yihiin maxaabiista iyo goobaha loogu kariyo cunnooyinka wuxuuna ballan-qaaday inay dowladdu ku dadaalayso sidii loo howl-galin lahaa xabsiyo hor leh si culayska looga qaado xabsiga dhexe.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya