4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 16, 2013
Roobab lagu diirsaday oo ka da’ay deegaano ka tirsan gobolka J/hoose

Sabti, Maarso, 16, 2013 (HOL) - Roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ayaa si weyn uga da’ay deegaano katirsan gobolka J/hoose oo ay mudooyinkii u danbeeyay ka jireen kuleylo iyo biyo yaraan baahsan.

Roobabkan oo ahaa kuwo xooggan ayaa bilowday shalay duhurkii waxayna da’ayeen ilaa saaka aroortii, waxaana roobabkani ay biyo dhigeen inta badan harooyinkii ay ka cabi jireen  dadka iyo duunyada.

Goobaha ay roobabka ka da’een ayaa waxa kamid ah deegaanka Dhoobleey, Qooqaani, Caglibaax iyo deegaano kale oo dhowr ah, kuwaasoo dadka ku dhaqan ay u badanyihiin dad xoolo dhaqato iyo beeraley ah.

“Roobab xooggan ayaa ka da’ay magaalada ilaa deegaanada dhinaca xuduuda ku yaal, wadooyinka xitaa biyo ayaa fadhiyo,” sidaa waxaa yiri C/qaadir Xasan oo kamid ah dadka ku dhaqan deegaanka Dhoobleey oo HOL qadka teleefonka ugu waramay.

Shacabka ku dhaqan gobollada Jubooyinka ayaa mudooyinkii u danbeeyay ka cabanayay kuleylo aad u daran, maadaama lagu gudo jiro xilliga ay ugu kulushahay cimilada gobolalda Jubooyinka oo ah bilaha hore ee sanadka gaar ahaan bishan aynu ku jirto ee Maarso.

Roobabkan ka curtay galbeedka gobolka J/hoose ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose iyo qeybo badan oo katirsan Jubooyinka ay ka jiraan kuleylo aad u daran oo saameeyay dadka iyo Duunyada.

 ……………….
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.