4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 15, 2013
Madaxweynaha Somaliland oo sheegay inaysan ka qaybgalayn shirka London ee looga Hadlayo Arrimaha Soomaaliya


Jimco, Maarso 15, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo dib ugu soo laabtay Hargeysa kaddib shan maalmood oo uu safar ugu maqnaa waddanka Turkiga ayaa sheegay in Somaliland aysan ka qaybgalay shirka London.

Axmed Siilaayo ayaa sheegay in shirkaas uu yahay mid Soomaaliya loo qabanayo iyagana uusan quseyn, sidaa daraadeedna ay dowladda Britain u sheegeen inaysan shirkaas ka qaygbalayn.

“Shirka London waa mid loo qabanayo Soomaaliya, inaguna kama qaybgeli doonno, waayo ma ahan mid na khuseeya,” ayuu Siilaayo wariyeyaasha ugu sheegay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sheegay in wadahadallada u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ay muddo soo socdeen, balse aysan hadda socon, isagoo xusay in dib loo furo ayaana ka hadli doonnaa.

Magaalada London ee dalka Britain ayaa lagu wadaa in horraanta bisha May ee soo socota lagu qaban doono shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, kaasoo lagu casuumay maamulka Somaliland, waxaana shirkaas lagu waday inay isku arkaan wufuudda dowladda Soomaaliya iyo Somaliland si ay uga hadlaan sii socoshada wadahadalladii sannadkii hore u billowday.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay iyadu inay ka qaybgalayso, iyadoo wafdiga uga qaybgalaya uu hoggaamin doono madaxweynaha Soomaaliya ayna ka mid noqon doonaan wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka.

Dhanka kale, madaxweynaha Somaliland ayaa ka hadlay safarkii uu ku tagay dalka Turkiga, isagoo sheegay inuu kula soo kulmay madax sare oo dalkaas ka tirsan ayna kawada hadleen sidii xiriirka labada dhinac loo adkeyn lahaa.

Ugu dambeyn, Siilaanyo wuxuu sheegay in dowladda Turkiga ay u ballan-qaadday inay maamulkiisa ka caawin doono arrimo ay ka mid yihiin: biyaha, caafimaadka iyo waxbarashada, taasna ay si aad ah u soo dhaweeyeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya