4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 15, 2013
Dagaal Ciidamada Dowladda Somalia iyo Xoogaga Al-shabaab ku Dhexmaray Duleedka Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay

Jimco, Maarso 15, 2013 (HOL) — Ugu yaraan toddoba ka mid ah dhinacyadii adgaalamay ayaa ku dhintay in ka badan toban kalena way ku dhaawcmeen dagaallo culus oo xalay ciidamada dowladda Soomnaaliya iyo kuwa Itoobiya oo dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray duleedka degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Al-shabaab ayaa sheegatay inay weerar dagaalka oo ka dhacay deegaanka Goof-guduud Shabeelloow ay iyadu lahayd, ayna ciidamada dowladda kaga saartay dhufeyso ay kaga jireen deegaankaas, inkastoo dowladdu ay iyana sheegtay inay guulo ka gaartay dagaalkaas.

“Xoogaggeennu waxay ku sugan yihiin goobihii lagu dagaallamay, khasaare ayaana gaarsiinnay ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiil u hadlay Al-shabaab oo la hadlay idaacad ku hadasha afka Al-shabaab oo saldhiggeedu yahay gobolka Shabeellada Hoose.

Ma sheegin saraakiishan khasaaraha dhankooda kasoo gaaray, balse warar laga helayo ilo labada dhinac ka madaxbannaan ayaa sheegaya in dagaalka lagu dilay in ka badan toddoba qof oo labada dhinac ah, dhaawacyaduna ay intaas ka badan yihiin.

Saraakiil u hadlay dhinaca dowladda ayaa iyaguna sheegay inay guulo ka gaareen dagaalkii xalay dhacay, iyagoo sheegay inay ciidamada dowladdu iska caabiyeen weerarka Al-shabaab ay soo qaaday ayna khasaare fara badan u geysteen.

Wararka laga helayo deegaanka ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ku sugan yihiin deegaannadii lagu dagaalamay kuwii Al-shabaabna ay goobta isaga tageen, waxaana dagaalkan uu kusoo beegmayaa xilli ay ciidammo badan oo kuwa dowladda ah soo banneeyeen aagag ay difaacyo uga jireen.

Ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka ayaa waxay maalmo ka hor ka dhigeen degmadaas gadood ay kaga cabanayeen mushaar la’aan, inkastoo dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Bay aysan ka hadlin gadoodka ay ciidamadu sameeyeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya