4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 14, 2013
Golaha Wasiirrada Somalia oo Kulankoodii Maanta uga dooday Falal dilalka ah ee Toddobaadkan ka dhacay Muqdisho (SAWIRRO)


Khamiis, Maarso 14, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada Xukuumadda Somalia oo kulan maanta ku yeeshay Muqdisho ayaa waxay kaga doodeen qodobbo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen warbixin ku aaddan safaradii uu dhawaan ku tagay ra’iisul wasaaraha Puntland iyo Galmudug iyo dilalka maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu horreyn ka hadlay safarkii ra’iisul waasaruhu uu ku tagay degaannada Puntland iyo Galmudug, wuxuuna ku tilmaamay inay natiijo wanaagsan oo la taaban karo kasoo baxday, isagoo shacabka ku nool deegaannadaas uga mahadceliyay sida ay u soo dhaweeyeen.

“Golaha wasiirrada markii aan hordhigay natiijada safarradii Puntland iyo Galmudug iyo heshiisyadii aan la galnay, aad bay u soo dhaweeyeen weyna ila qateeen,” ayuu yiri ra’iisal wasaare Saacid Shirdoon oo saxaafadda la hadlay kulanka kaddib.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ka jawaabay warar soo baxay oo sheegayay inuu ku dhamaaday natiijo la’aan kulankii dhexmaray Galmudug iyo wafdigii uu isagu horkacayay ayaa nasiib-darro ku tilmaamay warkaas, isagoo yiri:

“Warkaas ma ahayn mid aanu fileynay, mana ahayn mid habboon, sababtoo ah wadahadallada Galmudug aan la yeellanay waa kuwo sii socda oo aan dhammaan, waxaana ku ballanay in bishan Maarso 25-keeda aan Muqdisho u marti-qaadno.” Isagoo hoosta ka xariiqay in Galmudug ay ka mid ahayd maamulladii udub dhexaadka u ahaa in laga gudbo KMG-nimada, loona gudbo dowlad rasmi ah, mar kastana ay xushmo iyo qadarin u hayaan.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in goluhu si adag uga doodeen, falal dilal ah oo goobo kala duwan ka dhacay kuwaasoo lagu dilay dhallinyaro, wuxuuna xusay in arrintaasi ay aad uga xun yihiin, ayna u saareen guddi ka kooban saddex wasaaradood oo kala ah: wasaaradda garsoorka, wasaaradda arrimaha gudaha iyo wasaaradda warfaafinta.

“Guddigan waxaan ka sugeynaa warbixin rasmi ah oo mida haatan aanu hayno ka badan, waxaana si gaar ah u iclaaminay shir aan caadi ahayn oo arrintan looga hadli doono oo golaha wasiirradu yeelan doonaan maalinta Talaadada ah ee soo socota,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha oo xusay inay  muhiimadda dowladdu tahay illaalinta xaquuqda aadanaha iyo xorriyatul qowlka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya