4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 14, 2013
Hay'adda Bisha Cas ee dalka Turkiga oo Soomaaliya u soo dirtay Markab sida Shixnado Gargaar oo oo kala duwan


Khamiis, Maarso 14, 2013 (HOL) — Ururka bishan cas ee dalka Turkiga ayaa shalay Arbaco ah u soo diray Soomaaliya makab uu ku raran yahay shixnad gargaar oo isugu jirta raashin iyo qalabka dhismaha, taasoo qayb ka ah qorshe ay dowladda Turkiga kula dagaalamayso macluusha ayna gacan uga geysanayso dib u dhiska Soomaaliya.

Shixnadda uu markabka wado ayaa waxaa ka mid ah; sokor, bur iyo qalab kuwa dhismaha ah, iyadoo markabkan uu kusoo xiran doono dekedda Muqdisho halkaasoo uu dejin doono shixnadda.

“Waxaaan doonaynaa inaan Soomaaliya ka dhigno dal ay nololi ka jirto. Innagoo tan ka jawaabayna ayaan u dirnay Soomaaliya shixnad gargaar oo 11 kun oo tan ah , isuguna jirta raashin iyo qalabka dhismaha,” ayuu yiri madaxa hay’adda Bisha Cas ee Turkiga, Utku Calim.

Sarkaalku wuxuu intaas ku daray in markabkan uu ku gaari doono Muqdisho 15 maalmood gudahood si gargaarka uu wado looga dajiyo. Wuxuuna intaas ku daray in gargaarkan loo qaybin doono 2,700 qoys.

Gargaarkan ayay Bisha Cas ee Turkiga sheegtay inuu u badan yahay qalab dhisme, balse ay ku jiraan shan tan oo sokor ah iyo shan tan oo bur, taasoo loogu talogalay in qoysaska dan-yarta ee Soomalaiyeed loo qaybiyo.

Dalka Turkiga ayaa tan iyo sannadkii 2011 wuxuu waday caawinta shacabka Soomaaliyeed, markaasoo ay dalka ka taagnaayeen abaaro sababay macluul ku habsatay dad badan oo Soomaaliyeed.

Ma ahan shixnaddan gargaarkii ugu horreysay oo dowladda Turkiga ay u soo dirto Soomaaliya, waxaase horay ay dalka u soo gaarsiiyeen shixnado kala duwan oo u badan raashin loo qaybiyay dadka danta yar ee ku nool Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya