4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 14, 2013
Afhayeenka Al-shabaab oo sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dad aan waxba galabsan lagu laayo Muqdisho

Khamiis, Maarso 14, 2013 (HOL) — Afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa ka hadlay dilal la sheegay in xubno ka tirsan Al-shabaab loogu geystay Muqdisho, isagoo sheegay in ficilkaas uu yahay mid aan horay uga dhicin Soomaaliya.

Sheekh Cali Dheere ayaa ku eedeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya inay ka dambeysay dilalka dadkan oo uu ku sheegay inay rayid ahaayeen, isagoo tilmaamay in wax aan wali taariikhda lagu arag lagu sameeyay dad qaraabo iyo isku heyb ah, maydadkoodana lasoo dhigay waddooyinka.

“In ardayda iskuullada iyo kuwii shaqeynasayay inta la qabto oo markii laga waayay lacagna la dilo maydadkoodana lasoo dhigo guryahooda hortoodana waa wax aan horay uga dhicin caalamka,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo sheegay in tani ay muujinaysno dhibaatada shacabka lagu hayo.

Afhayeenku wuxuu uga tacsiyeeyay dadka reer Muqdisho in dadkooda sidaas loo galo, isagoo xusuusisay inay ahayd arrin ay shalay kaga digayeen dadka ku nool Muqdisho in dhibaatadan iyo kuwo la mid ah loo geysan karo.

“Dad qaraabo ah oo intan le’g in la dilo waa mid aan horay Soomaaliya uga dhicin, magaalada Muqdishana waxaa ka taagan dhibaatooyinka aad fool xun oo lagula kacayo shacabka masaakiinta ah,” ayuu Sheekh Cali Dheere ku daray hadalkiisa.

In ka badan lix qof ayaa la sheegay in lagu dilay Muqdisho, iyadoo dilalkaas la sheegay inay ka dambeeyeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda, lana sheegay in dadkan ay ka mid ahaayeen Al-shabaab lagana soo qabtay xaafado ka tirsan Muqdisho.

Dilalkan ka hor ayaa sarkaal u halay Al-shabaab wuxuu sheegay inay ku dileen magaalada Muqdisho laba sarkaal oo ka tirsan hay’adda nabad-sugidda, iyadoo sarkaalka uu sheegay inay xoogaggoodu ka howgalaan magaalada Muqdisho ayna ka fulin karaan howlgalkii ay u baahdaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya