4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 7 , 2013
Afhayeenka AMISOM oo sheegay in Booliiska Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay xaqiijiyeen ammaanka Muqdisho
Isniin, Jannaayo 07, 2013 (HOL) — Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumud ayaa sheegay inuu si fiican u socdaan howlgalka lagu adkaynayo amniga magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in howgallada lagu sugayo ammaanka ay si wadajir ah u fulinayaan habeen iyo maalin booliiska dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Col. Xumad Kornayl Cali Aadan Xumud ayaa xusay in shacbka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen howgallada ayna shacabku dareemeen jawi nabadeed, isagoo shacabka ugu baaqay inay ciidamada gacan ku siiyaan sidii lagu heli lahaa kuwa ammaan-darrada wada.

"Howgalladan markii ay billowdeen waxay ciidamadu soo qabqabteen hub iyo xubno looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin falal ammaan-darro ee Muqdisho ka dhici jiray," ayuu yri afhayeenka oo u warramayay Bar-kulan isagoo intaas ku daray in howlgalladan ay socon doonaan inta laga xaqiijinayo ammaanka guud ee Muqdisho.

Afhayeenku wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamada booliiska ah ee isku-dhafan ay naftooda u hurayaan sidii ay ku xaqiijin lahaayeen ammaanka guud ee Muqdisho oo ah xarunta Soomaaliya si shacabku ay u helaan ammaan buuxa oo ay isku halleyn karaan.

"Ciidanka booliiska ah ee howlgallada wada waxay suuro-geliyeen in dadkii qurbaha ku noolaa ay dib ugu soo laabtaan Muqdisho," ayuu yiri afhayeenka AMISOM oo ku tilmaamay howsha ay ciidamada booliisku wadaan mid guulo la taaban karo laga gaaray.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu ugu baaqay qurbo-joogta Soomaaliyeed inay dib ugu soo laabtaan dalkooda oo ah aysan jirin meel ay dunida ku dooran karaan ayna ka qayb-qaataan dhismaha iyo nabadeynta dalkooda.

Hadalka afhayeenak AMISOM ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay Muqdisho ay ka socdaan howgallo lagu adkeynayo ammaanka, inkastoo sannadkii hore dhowr jeer la weeraray xarunta madaxtooyada Soomaaliya oo ah halka ay ku shaqeyaan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya