4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 5 , 2013
Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ay Maanta yeesheen ku doortay Hoggaanka Guddi-hoosaadyada

Sabti, Jannaayo 05, 2013 (HOL) — Kulankii baarlamaanka Soomaaliya ee maanta oo ay soo xaadireen 170 xildhibaan ayay guddi-hoosaadyada baarlamaanku ay ku doorteen guddoomiye, ku xigeen iyo xoghayaha, iyadoo guddiga doorashada galay ka mid ah guddiga difaaca iyo guddiga xuquuql insaanka, haweenka iyo arrimaha bani’aadamnimda.


Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye

Guddi hoosaadyada baarlamaanka oo 15  ah iyadoo guddi walba uu ka kooban 18 xubnood, waxaana kalafdhigii maanta shir guddoominayay ku xigeenka koowaad ee guddoomiyaha baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar.

Guddiyada illaa hadda doortay mas’uuliyiinta hoggaamin lahayd ayaa waxay kala yihiin:

1. Guddiga beeraha, hormarinta reer miyiga, xoolaha iyo kheyraadka Badda,
2. Gudiga xaquuqul insaanka, haweenka iyo arrimaha bani’aadamnimada,
3. Guddiga wacyigalinta, dhaqanka, boostada iyo isgaarsiinta,
4. Guddiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo warshadaha,
5. Guddiga xeer-hoosaadka, anshaxa, xasaanadda iyo daryeelka xildhibaanada
6. Guddiga Difaaca

Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo loo doortay guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka, haweenka iyo arrimaha bani’aadamnimada ayaa sheegtay inay maanta billowdeen doorashada guddi-hoosaadyada baarlamanka, iyadoo sheegtay in iyada loogu doortay guddoomiyaha guddiga ay ka tirsan yahay si aqlabiyad ah.

Mudane Xuseen Carab Ciise oo isagana loo doortay guddoomiyaha guddiga difaaca ee baarlamaanka ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in xilkaas loo doorto, wuxuuna xusay inuu ka shaqeyn doono arrimaha difaaca dalka oo uu sheegay inuu sannadkii ugu dambeeyay ka shaqeynayay arrimaha difaaca.

Inta badan doorashada guddi-hoosaadyadu ay ku dooranayaan guddoomiye, ku xigeen iyo xoghaye ayaa waxay socon doontaa illaa maalinta berri ah, iyadoo lagu wado in baarlamaanku uu fasax galo marka la dhameystiro guddi hoosaadyada baarlamaanka.

Dhinaca kale, waxaa maanta lagu hordhaafiyay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho wasiir u dowlaha madaxtooyda Soomaaliya, Faarax C/qaadir oo ka maqnaa dhaarintii wasiir ku xigeennada iyo wasiir u dowlayaasha xukuumadda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya