4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 24, 2013
Ururka Adal ee Gobollada Awdal/Selel Iyo Gabilley oo deeq raashin ah maanta gaarsiiyay dhakhtarka dhimirka Boorama (SAWIRRO)


Khamiis, January 24, 2013(HOL): Ururka Adal Unity & Development ee Gobolada Awdal/Selel Iyo Gabiley ayaa maanta deeq raashina soo gaadhsiiyay Dhakhtarka dhimirka Boorama, deeqdaas oo ahayd lacag dhan $550 oo Dollarka maraykanka ah, taasoo  loogu badaly raashin dhan 34 Kiish oo Bariis ah oo ay kiishkiiba ku jiraan 25Kg. Deeqdan Raashinka ah ayaa waxaa ay ururkani soo wakiisheen kana mid ah ururkan guddoomiye C/qaadir Aadam Nuur oo ah xidhiidhiyaha Qurbo-joogta iyo guda-jooga Gobollada Awdal/selel

 

Waxaa qaybinta deeqdan ku wehelinayay sarkaal sare oo isna ka tirsan ururwaynaha Samafalka TAWFIIQ Suldaan Mahdi Aadam Riiraash(Guray. Munaasabaddii deeqdaan lagu qeybinayay ayaa waxaa ka hadlay Xaaji C/qaadir Aadam Nuur Iyo Dr. C/raxmaan Gurguurte, waxayna sheegeen in deeqdani ay soo gaadhay dhakhtarkan waqti bukaanada Jiifo ay aad ugu baahan yihiin waxa ayna mahadnaq aan la soo koobi karin u direen ururkan Adal Unity And Development sida wanaagsan ee ay u soo xasuusteen walaalahooda u baahan taakulada.

 


Dhanka kale Dr C/raxmaan Gurguurte ayaa farriin u diray cid walba oo ka damqanaysa dadkan bukaanka ah ee ku jira dhakhtarkan dhimirka ama dawada Banaanka ka qaata oo uu sheegay in ay gaadhayaan 200, qof kuwaasoo ay dawooyinkii bilaashka ahaa ee ay siin jireen dhammaadeen ama gabaabsi yihiin loona baahanyahay in laga wada qaybqaato sidii dadkaas bukaanka ah loogu heli lahaa dawo jooga ah oo bilaasha. Halkan Hoose Ka Daawo Hadaladii munaasabadaas raashinka lagu gudoonsiinayay oo ka dhacday dhakhtarka Dhimirka Boorama.




 

Khadro Xasan Nuux, Hiiraan Online

[email protected]

Boorame, Somaliland