Hadaba hay’adda Mama Asha Foundation ayaa gaarsiisay isbitaalka deeq ka kooban 12 Sariir, Sagaal Joodari, iyo Shidaal loogu talgalay in lagu caawiyo isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne oo adeegyo kala duwan siiya maalin kasta in ka badan 100 bukaan ah oo ka kooban qeybaha bulshada.
Sola Max’ed Sola oo ah wakiilka hay’adda Mama Asha Foundation ee gobollka Hiiraan oo deeqda guddoonsiiyay maamulka Isbitaalka magaalada Baladweyna, ayaa sheegay in gargaarkan ay soo gaarsiiyeen isbitaalka ay u arkeen mid muhiim a, isaga oo sharxaad ka bixiyay sababta ay u doorteen in ay sariiro ku deeqaan.
‘’Marka la eego adeegyada caafimaad ee uu bixiyo isbitaalka iyo sariiraha hadda yaala waa mid kala badan, sidaa daraadeed in dhinaca sariiraha laga saacido isbitaalka annaga muhiimad gaar ah ayeey noo leedahay,’’ayuu yiri Sola Max’ed Sola.
Maamulka isbitaalka oo la wareegay deeqda ayaa uga mahad celiyay hay’adda Mama Asha Foundation gargaarka ay soo gaarsiisay oo sida ay sheegeen ah mid ay siweyn ugu baahnaayeen.
Guddiga la shaqeeya maamulka isbitaalka ayaa marar badan qeylo dhaan u dirray hay’addaha samafalka, jaaliyadaha dibada iyo shirkadaha si loo caawiyo isbitaalka oo adeeg balaaran oo dhinaca caafimaadka ah u haya qeybaha bulshada gobollka.
Waa gargaarkii ugu horeeyay oo ay hay’adda Mama Asha Foundation ay gaarsiiso isbitaalka Baladweyne, inkastoo ay jiraan howlo samafal ah oo ay horay uga qabatay dagaanno kala duwan oo ka tirsan gobollka Hiiraan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
Baladweyne, Soomaaliya.