4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 9 , 2013
Kooxo hubeysan oo weeraray Matoorro dabka dhaliya oo Shirkadda GOLIS ay ku leedahay Magaalada Boosaaso


Sabti, Feberaayo 09, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay weeraray matoorro kuwa dabka dhaliya ah oo ay leedahay shirkadda isgaarsiinta ee GOLIS, kuwaasoo dabka siiya magaalada Boosaaso, iyadoo aanay jirin wax khasaare ah oo uu geystay weerarkaas.

Goobjoogayaal ku sugan Boosaaso ayaa sheegay inay kusoo argagaxeen hugunka gantaalladii lagu weeraray goobtaas, iyadoo kooxihii weerarka geystay ay u suurogashay inay baxsadaan.

“Saddex baasuuke ayaa lagu weeraray matoorrada oo ahaa kuwa dabka siiya magaalada, waxaana intaas kaddib billowday iska-horimaad toos ah oo dhexmaray ilaaladii matoorradaas iyo kooxihii hubeysnaa inkastoo aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay,” ayuu yiri goobjooge magaciisa aan sheegin oo la hadlay warbaahinta.

Weerarkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo shalay ay dhalliyara kasoo horjeeda maamulka Faroole dibadbax ka dhigeen degmadaas, kaasoo ay ku dalbanayeen in la doorto maamul aan ahayn midka hadda shaqeynaya oo ay ku tilmaameen mid si khasab ah awoodda ku haysta.

Ma jirto cid sheegatay weerarka, balse warar hoose ee Boosaaso ka jira ayaa waxay sheegayaan in weerarkan uu yahay mid ka dhashay muran salka ku haya dowladda Puntland oo u dhexeeya mas’uuliyiin sar-sare  oo magacooda aan la sheegin.

Shirkadda GOLIS ayaa ah shirkadda ugu weyn ee taleefoonnada ka qaataan dadka ku nool Puntland, sidoo kalena bixisa korontada Boosaaso, iyadoo aysan mas’uuliyiinta shirkadda ka hadlin weerarkii xalay lagu qaaday qaybta dabka bixisa ee shirkaddooda.

Dowladda Puntland ayaan iyaduna ka hadlin weerarkaas, iyadoo xaaladdu ay saakay mid deggen, waxayna shacabka Boosaaso ku tilmaameen weerarkii xalay mid aad u cuslaa oo argagax badan ku beeray.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya