4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 6 , 2013
Isbaheysiga Nabada Soomaaliya oo xukunkii Weriye Koronto iyo Haweeney la kufsaday ku tilmaamay cadaalad-darro


Arbaco, Feberaayo 06, 2013 (HOL) — Isbaheysiga nabadda Soomaaliya ayaa cadaalad-darro ku tilmaamay xukunkii maxkamada gobolka Banaadir ay shalay ku riday weriye, Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim (Koronto) iyo Luul Cali Cusmaan oo ah haweeney Soomaaliyeed oo sheegtay in la kufsaday.

Maxkamadda gobolka ayaa min hal sano oo xabsi ah ku xukuntay labadan qof ee kala ah haweeneyda la kufsaday iyo wariyaha tabiyay warkeed,  kaddib markii ay ku caddaatay sida maxkamadu sheegtay inay iska kaashadeen war been abuur oo ku saabsan kufsi ay sheegtay haweeneyda inay u geysgeen askar ka tirsan ciidamada dowladda.

Guddoomiyaha Isbaheyiga nabadda Soomaaliya, Cabdullaahi Seekh Xasan oo shir jaraaid ku qabtay maanta xafiiskiisa Muqdisho ayaa ceeb iyo fool-xumo ku tilmaamay xukunkii lagu riday wariyaha iyo haweeneyda dhibanaha ahayd uuna wax u dhimayo kalsoonidii ay ku qabeen beesha caalamka iyo ummadda Soomaaliyeed.

“Isbaheysigu wuxuu aad uga xun yahay xukunkii maxkamadda Gobolku ay ku riday dhibanaaysha kala ah: Cabdicasiis Koronto iyo Luul Cali Cusmaan shalay oo taariikhdu ahayd 05/02/2013. Sidoo kale isbaheysigu wuxuu u arkaa xukunkaas mid cadaalad-darro ah oo lagu dhiirigelinayo kuwa geysta dambiyada; isla markaasna lagu caburinayo dhibanayaasha inay dhibkooda sheegtaan, waxaan ku tilmaami karnaa in dhibbanihii iyo dembiilihii la isku bedelay,” ayuu yiri C/llaahi Sheekh Xasan.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu wax lagu qoslo ku tilmaamay guddi shalay ra’iisul wasaaraha Somalia uu u magacabay inay ku sameeyaan baaritaanno dilalka suxufiyiinta iyo kufsiga haweenka, xilli isla saacadaas xukun cadaalad- darro ah lagu ridayay ayuu yiri weriye iyo hooyo la kufsaday oo uu wareystay, isagoo arintaas ku tilmaamay riwaayad shacabka loo dhigayay.

“Haweenka Soomaaliyeed caado uma lahan inay sheegaan haddii la kufsado bal iskaba dhaaf way qariyaan, haweeneydii kaliya ee ku dhiirratay inay si cad u sheegto in la kufsaday waxaa loo xiray maxaad u sheegtay dambiga laguu geystay. Weriye Koronto waxaa loo xiray shaqadiisa oo kaliya, iyadoo ujeedadu tahay maxaad u wareystay haweeneyda dhibanaha ah, xitaa haddii ay been sheegeyso isagu dembi kuma laha kumana yeelan karo,” ayuu intaa ku daray C/llaahi Sheekh.

Guddoomiyaha Isbaheyiga nabadda Soomaaliyeed ayaa intaas ku daray in maxkamaddu ay diidday markhaatiyaal caddeyn lahaa in la kufsaday Luul iyo in dacwada lagu saleeyo shareecada Islaamka, ayna dhegeysatay oo kaliya dhinaca wax eedeeynayay.

“Isbaheysiga nabaddu wuxuu ka digayaa in ciidamada amaanka, gaar ahaan nabad-sugidda dadka la iska xirayo dembi la’aan; iyadoo aan maxkamad lasoo taagin, waa arrin sharci-darro ah waana in xukuumaddu ka fiirsato waxay ciidamadeedu sameynayaan,” ayuu yiri hadalkiisa raaciyay.

Dhanka kale, guddoomiyaha isbahaysiga nabadda wuxuu xukuumadda uga digay in maamullo ay u sameyso gobollada dalka; iyadoo dadka deegaanka gobolladaas aysan raalli ka ahayn.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladda in wax laga qabto khatar dhinaca nolosha ah oo ku iman karta dadka dan-yarta ah, taasoo uu sheegay haddii aanay xukuumaddu deg-deg wax uga qaban sicir-bararka dhaawaca geystay ay meesha ka saareyso awooddii wax gadashada dadka dan yarta ah.

“Dalka waxaa burburka heerkaan ah soo gaarsiiyay waxay ahayd cadaalad- darro ay ku kaceen maamulladii hore, dowladda waxaaan kula talinayaa inay cadaaladda ilaaliso, haddii kale waxay mari doontaa halkii ay mareen kuwii cadaalad-darrada sameyn jiray. Yaana dib loo celin rajada ummadda ee ku saleysan dowladnimada bidhaantay,” ayuu hadalkiisa kusoo gabgabeeyay guddoomiyaha isbahsiga nabadda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya