4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 5 , 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo hadal ka jeediyay xarunta Chatham House iyo Dadweyne ku Mudaaharaaday Madaxweynaha

Hassan Sheikh Mohamud
Talaado, Feberaayo 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadal ka jeediyay machadka cilmi-baarista ee Chatham House ee magaalada London, iyadoo intii uu hadalkiisa socday ay dadweyne Soomaaliyeed dibadbax ka horsameeyeen xaruntaas.

Madaxweynuhu wuxuu khudbaddiisa uga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin: barakacayaasha gudaha, qoxootiga ku nool dalalka dariska ah, arrinta dasturka iyo federaalka, xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya iyo weliba dhibaatooyinka dadka Soomaaliyeed soo maray labaatankii sano ee ay jireen colaadaha.

“Dalka Soomaaliya wuxuu soo maray in ka badan 20-sano oo sharci la’aan ah taasoo ay shacabka Soomaaliyeed ka dhaxleen dhibaatooyin nololeed iyo mid dhaqaale oo badan,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya, isagoo sheegay in dalku uu hadda ku socdo waddadii uu kaga bixi lahaa dhibaatooyinkaas.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu ka hadlay waxbarashada, isagoo sheegay in inta badan caruurta Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku nool aysan haysan waxbarasho, balse ay dowladdu waddo qorshayaal ay caruurtaas ay ku heli lahaayeen waxbarasho dhameystiran.

“Caruurta Soomaaliyeed 25% ayaa iskuullada aada, 75% ka mid ahna way iska ciyaaraan oo ma haystaan waxbarasho , taasna waxay caddeyn u tahay dhibaatada dhinaca waxbarashada ah ee haysta ubadka Soomalaiyeed,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Somalia wuxuu khudbadiisa kusoo hadal-qaaday Al-shabaab, ayaa sheegay inuu jiro xiriir adag oo ka dhexeeya Al-shabaab iyo kooxda Boko Haram ee ka dagaalanta dalka Nigeria, balse aysan ogeyn wax xiriir ah oo ka dhexeeya kooxda Maali ka dagaalamaysa iyo Al-shabaab.

“Colaadihii ka dhacay ka Soomaaliya waxay sababeen inay dhashaan kooxo argagaxiso ah, sida Al-shabaab iyo burcadbadeedda oo dhibaatooyin badan laga dhaxlay. Sidoo kale colaaduhu waxay saameyn adag ku yeesheen dad badan oo Soomaaliyeed noloshooda,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Mar uu ka hadlay dadka ku barakacay gudaha dalka iyo qoxootiga ku sugan dalalka dariska ah ayuu sheegay in dowladdu ay qorshayaal u dejisay ayna dhawaan maareyn doonto dadkaas.

Isagoo ka hadlayay cunno-qabteynta hubka ee saaran Soomaaliya ayuu ku celiyay dalabkiisii ahaa in Soomaaliya laga qaado cunno-qabteynta si ay dib ugu dhiso ciidamada qalabka sida, si ay ula wareegaan awoodda guud ee dalka.

Dadweynihii dhageysanayay hadallada madaxweynaha ayaa su’aalo dhowr su’aalood weydiiyay, kuwaasoo ku saabsanaa xaaladda dalka, iyadoo uu ka jawaabay madaxweynuhu dhammaan su’aalihii la weydiiyay.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladdiia ay ka go’an tahay inay gaarsiiyaan dalka oo dhan habka federaalka ah, taasina ay ka horreyso in dastuurka isbedel lagu sameeyo si habka federaalka dalka loogu baahiyo.

Dhanka kale, mudaaharaad looga soo horjeedo madaxweynaha ayaa isla xilligaas ka dhacay illinka hore ee xarunta Chatham House, waxaana ay ku dhawaaqayeen dadka dibadbaxa sameynayay in madaxweynuhu uu talada dalka isku koobay.

C/rashiid Maxamed Daahir oo ka mid ah qaban-qaabiyeyaasha dibadbaxan ayaa sheegay u sheegay BBC-da in mudaaharaadkooda uu yahay mid ay ku muujinayaan sida ay uga walwalsan yihiin habka uu madaxweynuhu wax ku maamulayo. Isagoo sheegay in madaxweynuhu uu la wareegay awooddii maamul ee ra’iisul wasaaraha.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay dibadbaxa lagu sameeyay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu arko dad Soomaailyeed oo muujinaya cabashada ay qabaan, balse wuxuu xusay in isaga iyo madaxweynuhu ay ku heshiiyeen inay si wadajir ah u shaqeeyaan, isagoo xusay inaysan jirin cid ku shaqeysa awood uusan dastuurku u ogoleyn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya