4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 4 , 2013
Olole looga Horjeedo Kufsiga loo Geysto Haweenka Soomaaliyeed oo Maanta looga Dhawaaqay Magaalada Muqdisho

Isniin, Feberaayo 04, 2013 (HOL) — Ololahan oo ay ku dhawaaqeen xubno ka tirsan bulshada rayidka ah ayaa waxaa la sheegay inuu yahay mid lagula dagaalamayo kufsiga loo geysto haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku jira xeryaha barakacayaasha.



Madashada looga dhawaaqay ololahan ayaa waxaa hadallo kala duwan ka jeediyay xubno isugu jira xildhibaanno, wadaaddo iyo xubno ka socday bulshada rayidka ah, iyadoo dhammaatood ay qireen in kufsiga haweenka uu yahay dambi weyn.

“Uma dulqaadnayno in gabar Soomaaliyeed la kufsado. Dowladda iyo beesha calaamka waxaan ka codsanaynaa inay nagala shaqeeyaan sidii looga hortegi lahaa kufisga,” ayay tiri xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi oo dhanka kale ah marwada ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Xildhibaannadu waxay sheegtay in ololahoodan uusan ahayn mid meeshan looga harayo, balse lasii wadi doono inta laga gaarayo danta laga leeyahay oo ah in la joojiyo kufsiga haweenka.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo isaguna ka hadlay goobta ayaa sheegay in qofkii lagu helo kufsi uu xukunkiisu noqonayo dil toogasho, isagoo sheegay in diinta Islaamku aysan ogoleyn in haweenka la kufsado, qofkii dhibaato u geystana uu mudanayo dil toogasho ah.

“Kufsigu waa dhaqan xun oo Islaamka kasoo horjeeda, diinta Islaamkuna waxay qabteen in la dilo qofkii gabar walaashiis ah kufsi u geysta, waayo waa la ogyahay xanuunka uu kufsigu u leeyahay dumarka iyo heerka ay ka taagan tahay diinta Islaamka,” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud.

Mas’uul ka socday shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa kaga dhawaaqay goobta in shirkaddu ay ku taageerayso ololahan lacag gaaraysa 10,000 oo doollarka Mareykanka ah.

Fartuun C/salaam Xaaji Aadan oo iiyaduna ka hadashay goobta ololahan looga dhawaaqay ayaa sheegtay in kufsigu uu kasoo horjeedo dhaqanka Soomaaliyeed iyo diinta Islaamka, waxayna xustay in laga digtoonaado kufsiga haweenka.

Haweenkii kulanka kasoo qaybgalay ayaa wateen boorar ay ku qoran yihiin erayo ay uga soo horjeedaan kufsiga, waxaana erayadaas ka mid ahaa: ‘Loo dulqaadan maayo kufsiga… Bulshadu waa inay dagaal naxariis la’aan ah ku qaadaan kufsiga… Kufsaduhu waa dambiile naxariis daran… U damqada gabadhiinna oo la dagaalama Kufsiga iyo erayo kale oo la mid ah’.

Fannaaniinta hobollada Waaberi ayaa kulanka kusoo bandhigay heeso iyo majaajilooyin ay kaga hadlayeen dhibaatada uu kufsigu u leeyahay haweenka Soomaaliyeed, waxayna ka digteen in haweenka la kufsado.

Ololahan lagu dhawaaqay ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo lagu wado in maalinta berri ah lasoo gabgabeeyo dacwad ku saabsan haweeneyd sheegtay inay kufsadeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya