4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 4 , 2013
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: “Al-shabaab waan la hadli karnaa Haddii ay ka waantoobaan Mowqifkooda”


Isniin, Feberaayo 04, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga magaalada London ee dalka Britain ayaa sheegay in dowladdii ay la hadlayso Al-shabaab haddii ay mowqifkooda ka waantoobaan.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in dowlddiisu ay wax ka qabanayso kufsiga haweenka loo geysto, isagoo ka gaabsaday inuu si cad uga hadlo xariga wariye u xiran inuu wargeysi la yeeshay haweeney sheegtay inay kufsadeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Mar uu ka hadlayay su’aal ay weydiisay BBC-da oo ku saabsan in dowladda ay doonayso inay Al-shabaab ku muquuniso awood milateri iyo inay la furto wadahadal ayuu yiri: “Waa muhiim in awood milateri looga adkaado kooxda Al-shabaab sida dhacday, balse haddii ay ka-waantoobaan mowqifkooda waan la hadli karnaa.”

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in saraakiisha xagjiriinta ah ee Al-shabaab ka tirsan aysan la hadli doonin, sidoo kalena wuxuu ugu baaqay dagaalyahannada ajnabiga ah inay dalka isaga baxaan. Inkasoo Al-shabaab ay horay u sheegtay inaysan wax wadahadal ah la galayn dowladda Soomaaliya oo ay ku tilmaameen mid u adeegaysa danaha reer galbeedka.

Su’aal ahayd inuu baqdin ka qabo in hoggaamiye kooxeedyadii hore ay dib u soo laabtaan ayna xukuumaddiisa ridaan, ayaa wuxuu sheegay inaysan taas baqdin ka qabin, dowladdiisuna ay haysato kalsoonida buuxda ee shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, madaxweynaha ayaa wareysi uu siiyay Al-jazeera TV wuxuu ku sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay inay ilaaliso haweenka, isagoo ku daray hadalkiisa in dowladdiisu ay tahay midda keilya ee xoojisay xuquuqda haweenka Soomaaliyeed.

“Xaq uma lihi inaan faragelin ku sameeyo hay’adaha cadaaladda dalka… Iima ogolaa shaciga dalka inaan faragelin ku sameeyo cadaaladda,” ayuu Xasan Sheekh ku sheegay wareysiga uu siiyay Al-jaziira, mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd inuu ka hadlo dacwadda kufsiga ku saabsan ee lagu eedeeyay wariye, haweeney la kufsaday iyo saddex qof oo kale.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa isaguna sheegay in dowladdiisu ay isku diyaarinayso sidii ay u difaaci lahayd haweenka iyo suxufiyiinta, isagoo aan si faahfaasan uga hadlin xariga wariyaha, haweeneyda la kufsaday iyo dadka kale ee dacwadda kufsiga loo haysto.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya