4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 27, 2013
Xaalad biyo la’aaneed oo ba’an oo kusoo fool leh shacabka ku nool Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool (SAWIRRO)


Arbaco, Feberaayo 27, 2013 (HOL) — Xaalad biyo la'aaneed oo baahsan ayaa soo food saartay dadweynaha ku dhaqan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, kaddib markii ay ilo-biyoodyadii deegaanka oo dhami ay gabaabsi noqdeen.

Gaadiidka biyaha ganacsiga ah soo gaarsiiya magaalada ayaa sheegay inay adag tahay sida ay biyo ugu heli doonaan waqtiyada soo socda iyagoo xusay inay dhamaadeen baraagaihii biyaha laga soo dhaamin jiray gaar ahaan kuwa cabitaanka loo isticmaalo kaddib markii ay la waayay roobabkii di’I jiray labadii sanno ee lasoo dhaafay.

Isu-duwaha wasaaradda macdanta iyo biyaha gobolka Sool, Inj Axmed Xirsi Cartan "Calaacal" oo sharaxaad ka bixinaayay ilo-biyoodyada magaaladu ay ku tiirsanayd ayaa sheegay in ceelka gooja-cade oo muddo dheer uu xumaa, dururka Laascaanood oo biyihii ka gudheen iyo berkedaha magaaladu ay ka heli jirtay biiyaha ee Kalabaydh oo 30-km galbeed kaga beegan magaalada oo aan biyihii roobka dayreed gebi ahaanba gelin ay tahay sababaha oonka keentay.

Kulammo is-daba-joog ah ayaa lagu qabtay meelo kala duwan oo gobolka Sool ka mid ah; kuwaasoo dhamaantood lagu baaqayay in loo diyaar garoobo sidii waxqabad biyood loogu diyaarin lahaa dadka ku nool guud ahaan gobolka Sool, gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Laascaanood oo xaaladdoodu aad u adag tahay.

Gudoomiyaha gobolka Sool oo ay weheliyaan mas’uuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ah iyo waxgaradka deegaanka qaarkood ayaa baaq kama dambeys ah u diray maamulka Somaliland iyagoo ugu baaqay inay si deg-deg ah dadka deegaanka u soo gaarsiiyaan biyo ay cabaan.

Laga soo billaabo sanadkii 1993-kii waxaa la isku dayay illaa lix jeer  in biyo cabitaan ku haboon laga helo duleedyada magaalada Laascaanood, laakiinse dhamaantood waa lagu guul daraystay.

Sidoo kale, laba warshadood oo biyaha sifeeya ayaa laga sameeyay Laascaanood sanadihii sagaashamaadkii kuwaasoo muddo soo saari jiray biyo ay dadku isticmaalaan waqtiyada abaaruhu jiraan, walow ay qaali ahaayeen haddana waa lagu baraaray, inkastoo sida ay sheegeen ragga aqoonta u leh macdanaha iyo biyaha aanay is-bixin doonin taasoo noqotay sidii ay sheegayeen waxayna xirmeen horraantii qarnigan.

Biyaha haatan magaalada Laascaanood laga cabo ayaa laga keenaa meelo kale sida: Karin-dabay-weyn, Saaxdheer iyo Dharkayn oo dhamaantood ku dhawaad sideetan kiiloo-mitir kaga beegan magaalada jahooyinka Koonfur, Koonfur-galbeed iyo galbeed, waxayna ku iibiyaan qiime dhan shan doollar ama 100,000 oo shilin.

Maxamuud Ismaaciil Kaatun oo HOL ay wax ka weydiisay mar uu kasoo galay deegaanka Dharkayn oo uu biyo kasoo dhaamiyay ayaa sheegay in dhawaan loo talaabayo xadka kililka shanaad ee Itoobiya sida Domco iyo Wanaagsan.

Si kastaba ha ahaatee, waa xaalad aad u adag oo kusoo fool yeelatay dadka ku nool magaalada Laascaanood, waxayna intooda badan aaminsan yihiin in Illaahay oo raxmaadkiisa shuba keliya lagaga bixi karo biya la'aanta haatan taagan, halka qaar kalena ay leeyihiin weli waqtigii roobka waa dheer yahay waxaana loo baahan yahay gargaar bini'aadamnimo oo deg-deg ah.

Saynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool