4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 26, 2013
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey 87 ruux oo shaqaale dawladeed ah kuwaasoo ka baxay Machadka Shaqaalaha

Talaado, Febraayo,26, 2013 (HOL)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici’ ayaa 87 arday oo ka tirsan shaqaalaha dawladda oo ka qalin jabiyey Machadka shaqaalaha Dawlada shahaadooyin ku gudoonsiiyey Hoteel maansoor ee Magaaladda Hargeysa.

Xafladan ay ku qalinjabinayeen shaqaale ka tirsan dawladda ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirada Arimaha gudaha, Maaliyada, shaqada iyo arimaha bulshada, iyo gudoomiyaha Hay’ada shaqaalaha iyo marti sharaf kale.

Gudoomiyaha Machadka shaqaalaha dawlada Mudane Maxamed Mixile Boqore, ayaa  faahfaahin ka bixiyey ardayda ka qalin jabisay machadkan,waxaanu sheegay inay ka kooban yihiin 87 arday oo Todoba iyo sodan ka mida ay qaadanayaan shahaadadda Digreega, halka qaarkoodna qaadanayaan Diploma.

gudoomiyaha machadka shaqaalaha dawladda waxa uu intaas ku daray in  arday kale oo iyagun degree-ga labaad baranaysaa ay ka soo qalinjabinayaan dalka Itoobiya oo ugu deeqday shaqaale badan inay waxbarasho siiso, halka in badana soo dhamaysteen.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdi casiis Maxamed Samaale, ayaa sheegay inay machadka ay dhinaca dhaqaalaha ah ka caawin doonaan sidii ay usoo bixi lahaayeen shaqaale tayo leh oo umadoodda u shaqeeya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in laba askari oo ka tirsan ciidamadda booliska ay qaadanayaan degreegoodii labaad, waxaanu sheegay inay u sheegeen labadaasi askari in wakhtigii ay qayili lahaayeen ku mashquuliyeen inay waxbartaan, taasina ay keentay in laba degree ay qaataan, iyagoo hawlihii qarankana ku gudda jira, waxaanu shaqaalaha iyo askarta kalana u soojeediyey inay ku daydaan labadaasi askari ee wakhtigoodda ka faa’iidaystay.

Madaxweyne-xigeenka Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil oo isna halkaasi ka hadlay  ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka soo qaybgalo  shaqaalaha dawlada oo dhamaystay waxbarashada ay kor ugu qaadayaan aqoontooda, iyagoo shaqadooda ku guda jira, isla markaana aqoontoodii dhisaya.

Intaas ka dib waxa uu madaxweynuhu gudoonsiiyey shahaadooyinkooddii waxbarasho, isagoo ku guubaabiyey inay wixii ay barteen ku shaqeeyaan.
 
Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online .
[email protected]
Hargeysa, Somaliland