4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 25, 2013
Xarakada Al-shabaab oo sheegtay in Dagaallada Kismaayo ka socda ay yihiin kuwo ay hurinayaan Ciidamada Kenya

Isniin, Feberaayo 25, 2013 (HOL) — Sheekh Xasan Yacquub Cali oo horay u ahaa guddoomiyaha gobolka Jubbada Hoose ee Al-shabaab haddadna ah guddoomiyaha gobolka Galguduud ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay dib ugu laabatay xaaladdii mugdiga ahayd ee ay ku jiri jirtay.

Mas’uulkan oo la hadlayay idaacad ku hadasha afka Al-shabaab ayaa xusy in dagaalka Kismaayo ka dhacay dhawaan uu caddeyn u yahay in magaaladu ay ku laabatay maalmihii colaadaha beelaha, xiisadda hadda ka jirtana aan wax xal ah laga gaari karin.

“Kismaayo waxay dib ugu laabatay maalmo la mid ah kuwii jiray markii ay hoggaamiye kooxeedyada ka talin jireen; iyadoo xilligaas ay xaafaduhu ahaayeen kuwo u kala xiran beelo isku haysta xukunka,” ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub.

Guddoomiyahan wuxuu sheegay in markii ay iyagu gacanta ku hayeen degmada ay ahayd mid wanaagsan oo iska bedeshay sidii ay horay u ahaan jirtay, dadkuna ay dareemeen neecaawa nabadgelyo, kala dambeyn iyo cadaalad.

Sidoo kale, Sheekh Xasan Yacquub wuxuu ciidamada Kenya ku eedeeyay inay burburiyeen dhaqankii shareecada Islaamka, isla markaana wadaan qorshayaal ay dadka uga dhex abuurayaan colaado. Isagoo xusay in markii ay degmada ka talinayeen aysan ka dhici jirin dagaal beeleedyo.

 “Ciidamada gaalada ah ee Kenya waxay kaalin ka qaadanayaan hurinta colaadaha u dhaceeya maleeshiyo beelaha ee Kismaayo isku haya duulaankii ay kusoo qaadeen Soomaaliya taas ayaa xudun u ahayd,” ayuu yiri Sheekh Yacquub.

Ugu dambeyn, sarkaalkan wuxuu shcabka Kismaayo ugu baaqay inay gacan ka geystaan sidii ciidamada ku sugan deegaannada Jubbooyinka looga saari lahaa dibna loogu soo celin lahaa in la isku xukumo shareecada Islaamka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya