4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 24, 2013
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo Maanta kulan la yeeshay wafdi ka socday Ururka Midowga Yurub iyo Ingiriiska (SAWIRRO)


Axad, Feberaayo 24, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Michal Caravan, safiirka dalka Ingiriiska ee Soomaaliya, Mark Boucher iyo wakiil ka socda safaaradda Faransiiska ee Kenya.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wakiilka midowga Yurub ayaa waxay kaga hadleen waxyaabihii kusoo qaadeen kulankooda, iyagoo sheegay inay si wanaagsan isku afgarteen.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in maanta ay nagu soo booqdaan Muqdisho wafti ka socda Midowga Yurub, mana ahan markii ugu horreysay oo ay dalka yimaadaan, waxayna na-tuseen sida ay ugu heellan yihiin sidii Soomaaliya wax loola qaban lahaa loona xoojin lahaa xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yuruba, waxay sidoo kale noo muujiyeen inay aad ula dhacsan yihiin siyaasadda dowladda oo ah in laga dhabeeyo isbadalka ay dowladu balan-qaaday kaasoo ku salaysan wadatashi,” ayuu yiri ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kale xusay in kulankaan calaamad u yahay sida caalamka uga go’an tahay is-garab- taaga dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, wakiilka Midowga Yurub oo isna saxaafadda la hadalay ayaa ka warbixiyey kulankii ay la qaateen ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

“Waxaan isla soo qaadnay sidii Midowga Yurub iyo Soomaaliya xiriirka ka dhaxeeya loo adkayn lahaa loona xoojin lahaa amniga, dhaqaalaha iyo hormarinta siyaasada dowladda, “ ayuu yiri Caravan, isagoo dhanka kale sheegay in Midowga Yurub ay diyaar la yihiin inay mudnaanta koowaad siiyaan in dowaldda laga taageero waxyaalaha dowladda Soomaaliya ay u baahan tahay.

Ugu dambeyn safiirka boqrtooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Mark Boucher ayaa uga mahad-celiyey dowladda sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay Muqdisho, isagoo sheegay inay ka wadahadleen madaxda dalka sidii loo taageeri lahaa amniga, cadaaladda iyo maamulka dhaqaalaha.

Gabagbadii hadalkiisa ayuu ku sheegay in waxyaabihii ay kala hadaleen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ay ahaayeen ay dhamaantood isku afgarteen; isagoo sheegay inay maanta muuqato fursad Soomaaliya wax loogu qaban karo.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya