4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 2 , 2013
Golaha Ammaanka ee Ummadaha Midoobay oo Go’aan ka Qaadanaya Cunno-qabteynta hubka ee Saaraan Soomaaliya


Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) — Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ka qaadanaya cunno-qabteynta hubka ee saaran Soomaaliya 21-kii sano ee lasoo dhaafay, si dib loogu dhiso ciidamada xoogga dalka oo dagaal kula jira xoogagga Al-shabaab.

Cunno-qabteynta hubka kusoo rogay Soomaaliya sannadkii 1992, si looga hortago inay sii xoogeystaan dagaallo u dhexeeyay dagaal oogayaal isku haystay talada dalka, kaddib laba sano markii la tuuray dowladdii hore ee milateriga ahayd.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Cabdi Saacid ayaa noqonaya mas’uuliyiintii ugu horreeyay ee hoggaamiya dowlad rasmi ah oo Soomaaliyeed tan iyo sannadkii 1991-kii maraaskoo si fudud xukunka looga tuurtay dowladdii uu hoggaaminayay Jen. Maxamed Siyaad Barre.

“Si loo xoojiyo dadaallada socda waxaa loo baahan yahay in la xoojiyo awoodda ciidamada xoogga dalka,” ayuu yiri xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon oo la hadlayay 15 xubnood ee golaha ammaanka.  Isagoo intaas ku daray: “Sidaa daraadeed, golaha ammaanka waxaa laga doonayaa inay tixgeliyaan codka dowladda Soomaaliya ay ku dalbatay in laga qaado cunno-qabteynta hubka.”

Inkastoo dowladda Soomaaliya ay doonayso inay dib u dhisto ciidamadeeda xoogga dalka ayaa haddana waxaa dalka ku sugan 17,600 oo askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM, kuwaaso ciidamada dowladda gacan ku siinaya dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.

“Xilligan ammaanka Soomaaliya waa mid soo hagaagaya, balse wax-iska-caabintu waa mid weli taagan. Dagaalyahannada kasoo horjeeda dowladda weli waxay wadaan weerarro argagaxiso iyo dilal qorsheysan,” ayuu Ban ku yiri warbixintiisa.

Sidoo kale, Ban Ki-Moon wuxuu sheegay in kooxaha qas-wadayaasha ah aan loo ogolaan inay helaan fursadaha ay raadinayaan. Isagoo xusay in loo baahan yahay in si feejigan loola socdo kooxahaas.

 Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay dib u eegis ku sameeyaan horraanta bisha Maarso ee snnadkan muddada howlgalka ciidmada Midowga Afrika (AMISOM) ee ku sugan Soomaaliya. Sidoo kale goluhu wuxuu bishan dhamaadkeeda adkeyn doonaan xayiraadda lagu soo rogay dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, taasoo la sheegay inay Al-shabaab ka hesho dhaqaale badan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya