4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 2 , 2013
Weerar Bambaano oo xalay lagu qaaday saldhig booliis oo ku yaalla Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir

Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) —Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar banbaano ku qaaday saldhig ay ciidamada Booliska Soomaaliyeed ku lahaayeen degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, iyadoona weerarkaasi uu sababay dhaawaca sedex qof oo laba kamid ah ay ka tirsanyihiin ciidamada dowladda.

Weerarka ayaa la sheegay in ay fuliyeen kooxo hubeysan oo sitay gaadiid, kuwaasoo bambaanooyin dhowr ah ku tuuray saldhig ay ku sugnaayeen askar katirsan ciidamada booliska Soomaaliyeed, waxaana dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay weerarkaasi la dhigay Isbitalka Madiino.

Gudoomiyaha  Degmada Xamarweyne C/laahi Sahal Gardhuub oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kooxo sitay gaari nooca Homy-da loo yaqaan ay bambooyin ku tureen saldhig ay ciidamada dowladda ku lahaayeen nawaaxiga bacadlaha degmada Xamarweyne.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in weerarkaasi uu sababay dhaawac soo gaaray sedex qof oo laba kamid ah ay katirsanaayeen ciidamada dowladda, wuxuuna xusay in ciidamadu ay rasaas ku fureen gaarigii ay saarnaayeen kooxaha weerarka soo qaaday islamarkaasina ay ka banjariyeen taayarada, wuxuuna intaa ku daray in kooxihii gaariga saarnaa ay baxsadeen.

Masuulkani ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Booliskua ay wadaan baaritaanno xooggan oo la doonayo in lagu soo qabto dadkii ka danbeeyay weerarka, wuxuuna xusay in ay gacanta kusoo dhigi doonaan.

Weerarkan xalay lagu qaaday degmada Xamarweyne ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada booliska, kuwa Nabadsugidda iyo Militariga ay maalmihii u danbeeyay howlgallo ammaanka lagu sugayo ka wadeen degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya