4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 2 , 2013
Dowladda Kenya oo sheegtay in Duqeyn diyaaradeed oo ay ka fulisay Gobolka Gedo ay Khasaare ugu geystay Al-shabaab

Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa sheegtay in duqeyn diyaaradeed oo ay ka geysatay gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya ay ku dishay tiro ka mid ah xoogagga Al-shabaab, sidoo kalena ay ku burburisay gaadiid dagaal iyo kuwo xamuul.

Afhayeenka milteriga Kenya, Col. Cyrus Oguna ayaa sheegay inay gubeen saddeex gaari oo ay ku rarnaayeen rasaas, laguna gubay duqeyntaas saldhig ay Al-shabaab ku lahayd meel ku dhow degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

“Dadka dhintay waxaa ku jiray sarkaal sare oo Al-shabaab ka tirsan, kaasoo lagu magacaabi jiray, Sheekh Nuur Dheere. Waxaana la rumeysan yahay in sarkaalkan uu ka dambeeyay weerarro Qaraxyo ah oo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Gedo,” ayuu yiri Col. Oguna.

Ciidamada Kenya oo gudaha Soomaaliya soo galay bishii Oktoobar ee 2011 ayaa waxay hadda ka mid yihiin kuwa AMISOM ee ka howgalaya Koonfurta Soomaaliy, waxaana dhowr jeer oo hore ay duqeymo ka geysteen deegaanno ka tirsan Koonfurta Soomaaliya, inkastoo qaarkood ay ku dileen dad shacab ah.

“Tiro ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab ayaan ku dilnay duqeynta, tiro kalena waan ku dhaawacnay,” ayuu yiri afhayeenka, inkastoo Al-shabaab aysan weli wax war ah kasoo saarin duqeyntan.

Goobjoogayaal ku sugan gobolka Gedo ayaa sheegay in duqeymo xooggan ay ka dhaceen deegaanno ka tirsan gobolka Galguduud, iyadoo duqeyntan ay noqonayso tii ugu horreysay oo sannadkan cusub ay ciidamada Kenya ka geystaan gudaha Soomaaliya.

Duqeyntan ayaa imaanaysa, iyadoo Al-shabaab ay dhawaan soo saartay war ay ku sheegayso inay dili doonto muwaadiniin Kenyan ah oo ay gacanta ku hayso haddii aan illaa 14-ka bishan laga sii-dayn xabsiyada Kenya dadka u xirxiran falalka argagaxisonimo, inkastoo Kenya ay ku gacan-sayrtay inay arrintaas kala hadasho Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya