4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 9 , 2013
Kenya oo loo Dhaarinayo Madaxweyne Cusub iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qaybgalaya Caleemo-saarka

President-Elect Uhuru Muigai Kenyatta. FILE
Talaado, Abriil 09, 2013 (HOL) —Kenya ayaa waxaa maanta loo dhaarinayaa madaxweynihii afaraad ee dalkaas soo mara, kaasoo ah wiil uu dhalay madaxweynihii ugu horreeyay iyo aabbihii xorriyadda dalkaas, iyadoo lagu wado in caleemo-saarkiisa ay ka qaybgalaan madax afrikaan ah oo uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud

Uhuru Kenyatta oo 62-jir ah ayaa ku guuleysatay doorashadii madaxnimo ee ka dhacday Kenya bishii lasoo dhaafay, inkastoo caqabado badan ay ka hor-yimadeen haddana si fudud ayuu kaga gudbay.

Dhaarinta ayaa waxay ka dhacaysaa garoonka ciyaaraha ee Moi, iyadoo si aad ah loo adkeeyay ammaanka magaalada Nairobi, waxaana dhaarinta kaddib lagu wadaa in madaxweynaha cusub uu is toos ah xilka ugala wareego madaxweynihii ka horreeyay Mwai Kibaki.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira wasiirro iyo xildhibaanno ayaa goor dhow ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho si ay uga qaybgalaan caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Kenya, iyadoo la sheegay in madaxweynuhu uu isla maanta dib ugu soo laaban doono Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa horay hambalyo ugu diray Kenyatta, isagoo hoosta ka xariiqay inuu rajeynayo in madaxweynaha cusub ee Kenya uu sii adkeyn doono xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Waddanka Kenya ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan ciidammo qayb ka ah kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, waxayna ciidamadaas ku sugan yihiin qaybo ka tirsan Koonfurta Soomaaliya oo ay ku jirto degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Inkastoo Uhuru Kenyatta uu noqonayo madaxweynihii ugu da’da yaraa ee soo mara dalka Kenya, haddana waxay dacwad kaga furan tahay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada, isagoo horay u sheegay inuu la tacaali doono dacwaddaas isagoo madaxweyne ah.

Kenya ayaa waxaa la fasaxay dhammaan shaqooyinka iyo iskuullada, iyadoo lagu wado in madaxweynaha cusub marka la dhaariyo uu kulan aan muddo badan qaadanayn la yeesho madaxweynayaasha ka imaanaya dalalka bariga Afrika.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya